• JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
Sunday, July 6, 2025
  • Login
Radio Dalsan
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
Play
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
No Result
View All Result
Radio Dalsan
No Result
View All Result
Home Warar

FAALLO: Heshiiskii Dowladda Federalka iyo Maamulka Puntland oo marin-habaabin kara Awoodda Dowladda Dhexe.

Dalsan Editor by Dalsan Editor
April 4, 2016
in Warar
Reading Time: 5 mins read
A A
1
VIEWS
Share on FacebookShare on Twitter

Tan iyo markii uu Madaxweyne Gaas qabtay Talada Maamulka Puntland waxaa karar-dhaaf xooggan ka jiray Xiriirka uu la leeyahay Dowladda Federalka, wuxuuna Madaxweyne Gaas u muuqdaa Hoggaamiye Maamuleedka keliya ee caddaystay sida uu uga soo horjeedo Dowladda Federalka.

Waxa uu ku qanci waayey Tanaasul badan oo ay Dowladda Federalka samaysay, wuxuuna u qaatay inuu Maamulkiisa la heer yahay Awoodda Dowladda Dhexe, waxaana uu bilaabay in Dowladda Dhexe ku khasbo inay wax ka bedesho Dastuurka iyo Nidaamka Doorashooyinka.

Madaxweyne Gaas oo xubin ka ah Hoggaamiyayaasha Madashiga Wada Tashiga Qaranka waxa uu ka biyo diiday go’aan ay u codeeyeen Madaxda Dowlad-gobaleedyadda kale, kuwaasi oo aan wax dood ah ka keenin Nidaamka doorashadda ee ay Dowladda Federalka soo hindistay, isla markaana ay Golaha Ammaanka ee QM iyo Beesha Calaamka taageereen Nidaamka Doorashooyinka Somalia ee sannadkan 2016-ka.

Madaxweynaha Puntland, waxa uu ka biyo diiday Shirkii 6-aad ee heerka sare ee Soomaaliya iyo Beesha caalamka, kaasi oo bishii Feberaayo 23-dii lagu qabtay  magaalladda Istanbul ee dalka Turkiga.

Shirkaasi waxaa ka qeyb galay Madaxda Dowladda Federalka, Madaxda Dowlad-gobaleedyadda Jubbaland, K/Galbeed, Galmudug iyo Maamul-gobaleedka aan weli dhismin ee Sh/dhexe iyo Hiiraan.

Madaxweyne Gaas  waxa uu si toos ah u qaadacay Shirkaasi, isagoo muran adag ka keenay Go’aankii Xukuumadda Federalka ee lagu ansixiyey  Habraaca Hawl Fulineed ee Nidaamka doorashooyinka la qabanayo dabayaaqadda sannadkan ee 2016-ka.

Tan iyo wixii ka dambeeyey markii ay Dowladda Federalka iclaamisay Nidaamka Doorashooyinka waxaa aad u calawsanaa Xiriirka Dowladda Dhexe iyo maamulka Puntland, waxayna Ergooyinka Beesha Caalamka u jooga Somalia galaangal ballaaran u galeen sidii loo xalin lahaa Khilaafka labada dhinac.

Madaxweyne Gaas waxa uu Ergooyinka Caalamka u sheegay inaysan Maamulka Puntland qaadan karin Nidaamka Doorashadda iyo Awood-qeybsiga Maamulka ee 4.5, iyada oo ay Beesha Caalamka horey u taageereen in lagu sii dhaqmo Nidaamka 4.5.

Ra’isul-wasaaraha Xukuumadda Federalka, Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke waxa uu bishii la soo dhaafay ee Maarso 26-dii booqasho hawleed ku tegay Puntland, isagoo Madaxweyna Gaas kala xaajoonayey Debecsanaan Siyaasadeed iyo inay Maamulka Puntland oggolaadaan Nidaamka 4.5

Dadaalka Ra’isul-wasaare Sharmaarke iyo Beesha Caalamka waxa uu tisqaad noqday shalay, kadib, markii  uu Madaxweynaha Puntland oggolaaday inuu saxiixo Heshiis Siyaasadeed lagu muujinayo Oggolaanshaha Puntland ee Nidaamka 4.5, iyadoo ay qaar ka mid ah Ergooyinka Caalamka goobjoog ka ahaayeen.

Heshiiskaas Hal maalin jirka ah ee shalay lagu saxiixay magaalladda Garowe ayaa waxa lagala hor yimid Dhaleecin iyo  in la laalo intabadan Qoddobadda ku qornaa Heshiiskaasi.

Hadal qoraal oo ka soo baxay Xarunta Madaxtooyadda ee Villa Somalia ayaa waxaa lagu sheegay inay Dowladda Federalka laashay inta badan qoddobadda ku qoran Heshiiskii Garowe.

Qoraalka ayaa lagu sheegay inay Dowladda Federalka soo dhaweynayso Heshiiska Puntland ku oggolaatay Nidaamka Doorashooyinka iyo Awood-qeybsiga 4.5, waxayna Dowladda laashay qoddobadda kale.

Qoraalka Madaxtooyadda Jamhuuriyadda Somalia ka soo baxay waxaa kaloo lagu muujiyey in Qoddobadda kale ee Heshiiska Garowe looga tashan doono Shirka Madasha Wada Tashiga Qaranka Soomaaliyeed oo lagu wado inuu bishan April 10-da ka furmo caasimadda Puntland ee Garowe.

Dowladda Federalka oo keliya ma aha cidda ka hor timid Nuxurka Heshiiska shalay lagu saxiixay magaalladda Garowe, iyadoo Madaxweynihii hore ee Puntland, C/raxmaan Sheekh Maxamed Farroole uu dhaliilay Heshiiskaasi, isla markaana uu diiday inuu goobjoog ka noqdo saxiixii Heshiiskaasi oo  gelinkii dambe ee shalay lagu qabtay Garowe.

Xildhibaano ka tirsan Barlamaanka Puntland ayaa iyagana naqdiyey Heshiiskaasi, isla markaana sheegay inuusan Madaxweyne Gaas awood Sharci u lahayn inuu saxiixo Heshiis ku salaysan Masiirka Puntland iyo Qaranka Soomaliyeed.

Xaalladda Siyaasadeed ee haatan taagan ayaa u muuqata mid cakiran, waxaana laga yaabaa in uu Calawga Siyaasadeed ka sii daro saacadaha iyo maalmaha soo socda, haddii aan Isfahan dhamaystiran laga gaarin Qoddobadda ku qoran Heshiiska Garowe.

Xeeldheerayaasha ayaa rumeysan in qaar ka mid ah Qoddobadda Heshiiskaasi tahay mid lagu fargelinayo Hawlaha Dowladda Qaranka loo idmaday, waxaana habboon in Miyir-Siyaasadeed iyo Hoggaamin Wanaagsan lagu saleeyo Awoodaha Dowladda Federalka iyo Maamul-gobaleedyadda iyo Awoodda Dowladda Dhexe ku maamulayso Deeqaha Caalamka iyo Heshiisyadda lala galayo Dowladaha,Ururadda iyo Shirkadaha Caalamiga.

Maamulka Puntland waxaa ku habboon inay ogaadaan inuu Maamulkooda qeyb ka yahay Maamulladda Federalka ee hoos yimaada Dowladda Federalka, waana in la ogaadaa in Saamiga Puntland la mid noqonayo Saamiyadda Maamul-gobaleedyadda iyo in la joojiyo faragelinta iyo marin-habaabinta khatarta ku ah Jiritaanka Qaranka.

©Radio Dalsan

Previous Post

Dhageyso: Madaxweynaha Puntland oo shaaciyay inuu musharax u yahay Doorashada Soomaaliya

Next Post

Dhageyso: Warka duhurnimo ee radio Dalsan

Dalsan Editor

Dalsan Editor

Related Posts

Wasiirka Gaashaandhigga oo Si Kulul u Dhaliilay Ganacsato Lagu Eedeeyay Taageerada Al-Shabaab
Warar

Wasiirka Gaashaandhigga oo Si Kulul u Dhaliilay Ganacsato Lagu Eedeeyay Taageerada Al-Shabaab

July 5, 2025
Dagaal Culus oo ka Socda Duleedka Moqokori ee Gobolka Hiiraan
Warar

Dagaal Culus oo ka Socda Duleedka Moqokori ee Gobolka Hiiraan

July 5, 2025
Hoggaamiyaha Mucaaradka Israa’iil oo Kulan La Yeeshay Wasiirka Arrimaha Dibadda Imaaraatka Carabta
Caalamka

Hoggaamiyaha Mucaaradka Israa’iil oo Kulan La Yeeshay Wasiirka Arrimaha Dibadda Imaaraatka Carabta

July 5, 2025
Soomaaliya iyo Koonfur Afrika oo Ka Wada Hadlay Xoojinta Xiriirka Labada Dal
Warar

Soomaaliya iyo Koonfur Afrika oo Ka Wada Hadlay Xoojinta Xiriirka Labada Dal

July 5, 2025
Ra’iisul Wasaare Xamsa Barre oo Tababar u Xiray Cutubyo ka Tirsan Ciidanka Gorgor
Warar

Ra’iisul Wasaare Xamsa Barre oo Tababar u Xiray Cutubyo ka Tirsan Ciidanka Gorgor

July 3, 2025
Madaxweyne Xasan Sheekh oo Sii Wada Gogosha Wadatashiga Qaran
Warar

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Sii Wada Gogosha Wadatashiga Qaran

July 3, 2025
Next Post

Dhageyso: Warka duhurnimo ee radio Dalsan

President Laftagareen Lays Foundation Stone for New Teacher Training Center in Southwest Somalia

President Laftagareen Lays Foundation Stone for New Teacher Training Center in Southwest Somalia

by Gesey Liban
July 5, 2025
0

Baydhabo, Somalia – In a strategic move aimed at transforming the quality of education in Southwest State, President Cabdicasiis Xasan Maxamed...

Wasiirka Gaashaandhigga oo Si Kulul u Dhaliilay Ganacsato Lagu Eedeeyay Taageerada Al-Shabaab

Wasiirka Gaashaandhigga oo Si Kulul u Dhaliilay Ganacsato Lagu Eedeeyay Taageerada Al-Shabaab

by Ilhaan
July 5, 2025
0

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa si kulul u cambaareeyay qaar ka mid ah ganacsatada Soomaaliyeed oo...

Dagaal Culus oo ka Socda Duleedka Moqokori ee Gobolka Hiiraan

Dagaal Culus oo ka Socda Duleedka Moqokori ee Gobolka Hiiraan

by Ilhaan
July 5, 2025
0

Wararka ka imaanaya gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in dagaal culus uu haatan ka socdo deegaanka Gumare, oo ku yaalla duleedka...

Hoggaamiyaha Mucaaradka Israa’iil oo Kulan La Yeeshay Wasiirka Arrimaha Dibadda Imaaraatka Carabta

Hoggaamiyaha Mucaaradka Israa’iil oo Kulan La Yeeshay Wasiirka Arrimaha Dibadda Imaaraatka Carabta

by Ilhaan
July 5, 2025
0

Hoggaamiyaha mucaaradka Israa’iil, Yair Lapid, ayaa Jimcihii shaaciyay inuu kulan gaar ah kula yeeshay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Imaaraatka Carabta,...

President Laftagareen Lays Foundation Stone for New Teacher Training Center in Southwest Somalia
English News

President Laftagareen Lays Foundation Stone for New Teacher Training Center in Southwest Somalia

July 5, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Wasiirka Gaashaandhigga oo Si Kulul u Dhaliilay Ganacsato Lagu Eedeeyay Taageerada Al-Shabaab
Warar

Wasiirka Gaashaandhigga oo Si Kulul u Dhaliilay Ganacsato Lagu Eedeeyay Taageerada Al-Shabaab

July 5, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Dagaal Culus oo ka Socda Duleedka Moqokori ee Gobolka Hiiraan
Warar

Dagaal Culus oo ka Socda Duleedka Moqokori ee Gobolka Hiiraan

July 5, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Hoggaamiyaha Mucaaradka Israa’iil oo Kulan La Yeeshay Wasiirka Arrimaha Dibadda Imaaraatka Carabta
Caalamka

Hoggaamiyaha Mucaaradka Israa’iil oo Kulan La Yeeshay Wasiirka Arrimaha Dibadda Imaaraatka Carabta

July 5, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Soomaaliya iyo Koonfur Afrika oo Ka Wada Hadlay Xoojinta Xiriirka Labada Dal
Warar

Soomaaliya iyo Koonfur Afrika oo Ka Wada Hadlay Xoojinta Xiriirka Labada Dal

July 5, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Norway Partners with South West State to Boost Electricity Development in Somalia
English News

Norway Partners with South West State to Boost Electricity Development in Somalia

July 5, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Facebook Twitter

About

Radio Dalsan

Radio Dalsan

Radio Station

Radio Dalsan was established in April 2012 in Mogadishu, Somalia with FM frequency 91.5MHz . The radio is registered with the federal ministry of information in Somalia. Dalsan is an independent and autonomous FM Radio station. The radio broadcasts for 18 hours in Somalia and also the Radio is on satellite broadcasting to Africa and Asia.

Follow us

Categories

  • Africa
  • Barnaamijyada
  • Bilan Media
  • Caafimaadka
  • Caalamka
  • Diini
  • English News
  • Maqal
  • Muuqaal
  • Opinion
  • Podcast
  • Warar
  • WARARKA AF INGIRIISIGA
  • Wararka Idaacadda
  • Wareegga Wararka
  • Wareysiyada
  • World News
  • Xulashada Ciyaaraha
  • Xulasho
  • XULKA WARARKA

Recent Posts

  • President Laftagareen Lays Foundation Stone for New Teacher Training Center in Southwest Somalia
  • Wasiirka Gaashaandhigga oo Si Kulul u Dhaliilay Ganacsato Lagu Eedeeyay Taageerada Al-Shabaab
  • Dagaal Culus oo ka Socda Duleedka Moqokori ee Gobolka Hiiraan
  • Hoggaamiyaha Mucaaradka Israa’iil oo Kulan La Yeeshay Wasiirka Arrimaha Dibadda Imaaraatka Carabta

© 2024 Radio Dalsan - Allrights reserved.

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In
No Result
View All Result
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio

© 2024 Radio Dalsan - Allrights reserved.

-
00:00
00:00

Queue

Update Required Flash plugin
-
00:00
00:00