Faallo:  Ansixinta Barlamaanka Federalka  ee Dukumentiga Nidaamka Doorashooyinka oo fure u noqon kara Qabsoomida Doorashooyinka.

Habacsanaan, xilli lumin iyo iska xil-saarid la’aan ayaa loo aanaynayaa inay qeyb ka yihiin caqabadaha hor taagan sidii ay Xildhibaanadda BFS u ansixin lahaayeen Nidaamka Doorashadda Somalia ee sannadkan 2016-ka.

madasha1Ra’isul-wasaaraha Xukuumadda Federalka, Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke waxa uu bishii April 30-da u gudbiyey Guddoonka Barlamaanka Dukumentiga Heshiiska ee Madasha Wada-tashiga Qaranka ku go’aamiyeen Nidaamka lagu meel-marinayo Doorashooyinka soo socda ee lagu dooranayo Madaxweynaha Somalia, Guddoomiyaha BFS iyo Xildhibaanadda Labada Gole ee Barlamaanka soo socda.

Ansixinta Nidaamka Doorashooyinka ayaa waxa uu dhaqangal noqon karaa marka ay Xildhibaanadda BFS ansixiyaan Dukumentigaasi oo  loo gudbiyey 2 isbuuc ka hor.

beesha caalamkaBeesha Caalamka, gaar ahaan Dowladaha iyo Hay’addaha loogu yeero Saaxiibadda Somalia ayaa walaac xooggan ka muujiyey sababaha ay Xildhibaanadda BFS weli u ansixin la’ yihiin Dukumentiga Nidaamka Doorashadda ee 20160ka.

Michael KeatingErgayga Gaarka ee Xoghayaha Guud ee QM ugu qaabilsan Arrimaha Somalia, Michael Keating waxa uu bishan 14-dii sheegay inuu  Mustaqbalka Siyaasadda Somalia xayirnaan doono ilaa laga ansixinayo Nidaamka Doorashadda.

Waxa uu ka digay haddii lagu fashilmo Ansixinta Nidaamka Doorashadda inay taasi calaamad xun u gudbin doonto Caalamka iyo Malaayiinta Muwaadiniinta Soomaalida ee doonaya in la gaaro Doorashadda Hal Qof iyo Hal Cod marka la gaaro Doorashadda dhici doonta 4 sanno kadib.

Xeeldheerayaasha ayaa rumeysan in Qoraalkii ay Beesha Caalamka si wadajir ah u soo saareen bishan May 14-dii uu si dadban farta ugu godayo caga-jiidka Mudanayaasha BFS ka muujinayaan ansixinta Nidaamka Doorashadda ee sannadkan ka dhici doonta Somalia.

unscSidoo kale, 15-ka xubnood ee Golaha Ammaanka ee QM ayaa la filayaa inay maalinta Khamiista ee soo socota booqasho hawleed ku yimaadaan magaalladda Muqdisho, si ay u muujiyaan taageeradda ay u hayaan Doorashadda Somalia ka dhici doona dabayaaqadda sannadkan.

Ma cadda sababaha rasmiga ee aan weli loo ansixinin Dukumentigaasi, balse waxaa laga dheehan karaa inay inta badan Xildhibaanadda BFS khalkhal iyo saluug ka muujinayaan Qoddobo ku qoran Nidaamka Doorashadda oo ay u arkaan mid humaag gelin kara inay  mar kale ka mid noqon doonaan Barlamaanka Cusub ee la dooranayo.

Si kastaba ha ahaatee, Nidaamka Doorashadda ee ay Madasha Wada-tashiga Qaranka ansixiyeen ayaa laga muujinayaa Xasaasiyad Daran iyo Kaalinta Hormuudnimo ee Madaxweynayaasha Maamul-gobaleedyadda ku leeyihiin Ansixinta Xildhibaanadda ka mid noqonayo Mudanayaasha Labada Gole ee Barlamaanka soo socda.

©Radio Dalsan