Sawirro:-Ra’iisul Wasaare Kheyre oo Maanta kormeer sameeyay

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Xasan Cali Khayre, ayaa maanta kormeeray xarunta wasaaradda maaliyadda si loo dardar geliyo hal-beegyada ku jira tubta horumarinta dhaqaalaha ee sida gaarka ah fulintooda looga doonayo wasaaradda.

Ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre ayaa xarunta wasaaradda kula a kulmay wasiiru dawlaha iyo wasiir ku-xigeenka wasaaradda maaliyadda, oo uga xog-warramay heerka uu marayo qorshaha cafinta daymaha.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa inta uu wasaaradda ku sugnaa waxa uu guddoomiyay shir ay la lahaayeen hawl-wadeennada wasaaradda, isaga oo faray in la xoojiyo qorshaha dardar-gelinta hannaanka dawladdu ay dib ula fal-gelayso hey’adaha dhaqaalaha iyo lacagta aduunka si loogu guulaysto himilooyinka umadda Soomaaliyeed.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media