Wararkii ugu danbeeyay Dagaalo culus oo saaka dib uga qarxay Magaalada Laascaanood

Waxaa maalintii 19-aad oo xiriir ah magaalada Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool ka socda  dagaal xooggan oo u dhexeeya ciidanka deegaanka SSC iyo ciidamada Maamulka Somaliland, waxaana dagaalkaas uu billowday arroornimadii hore ee saaka oo jicmo ah.

Hubka culus ayaa la isku adeegsanayaan dagaalka Laascaanood, sida ay sheegayaan wararka laga helayo dagaalka ayaa bilowday, kadib markii ciidanka maamulka Somaliland ay isku dayeen inay weerar kusoo qaadan saldhigyo ay ku leeyihiin ciidanka SSC.

Dagaalka ayaa waxaa barbar socota madaafiic ay ciidamada Somaliland ku garaacayaan xaafaddaha magaalada Laascaanood, kuwaasi oo qaarkood ku habsaday dhismayaal ku yaalla magaaladaas, burbur xooggan ayaana gaaray guryo iyo dhismayaal kale.

Khasaaraha saaka dagaalka weli lama oga inta uu la egyahay, hayeeshee in ka badan 150 qof ayaa ku dhintay dagaaladii Laascaanood ka dhacay, halka boqolaal qof kalena ay dhaawacyo kala duwan soo gaareen,  sida ay sheegeen Garaadada Gobolada SSC.

Si kastaba, lama oga sida ay wax noqon doonaan iyo halka ay ku dambeyn doonto xaalada magaalada Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool, maadaama ay arrintu faraha ka baxday dhiigna uu ku daatay magaaladaasi.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor