DHAGEYSO: Xukuumada Soomaaliya oo Sheegtay in Abaarta ka jirta Dalka ay sababtay cuduro Ka Dilaacay

Ra’isul wasaare ku xigeenka Xukuumada Mahdi Axmed Guuleed Khadar oo ka hadlayey xaaladaha daran ee Abaarta ka jirta dalka ayaa sheegay inay sababtay cuduro ka dilaacay deegaano ka mid ah dalka, islamarkaana dad badan uu soo ritay cudurka shubanka, qaarkoodna ay u geeriyoodeen.

Khadar ayaa sheegay inay muhiim tahay in la xoojiyo gargaarka, islamarkaana dadka soomaaliyeed isu gurmadaan, si loo caawiyo dadkaasi dhiban.

Halkaaan hoose ka dhageyso Codka.