DEG DEG:- Qarax goordhow ka dhacay Magaalada Dhuusa-Mareeb

Wararka Idacada dalsan ee magaalada Muqdisho ay ka helayso magaalada Dhuusa-nareeb ee caasimadda maamulka Galmudug ayaa sheegaya in bartamaha magaalada uu gordhow ka dhacay qarax.

Qaraxaan ayaa jugtiisa laga maqlay qeybo badan oo ka mid ah magaalada waxaana ka dhashay khasaaro,qaraxa ayaa la sheegay in uu ahaa miino ku aasneed goob Qaadka lagu iibiyo oo ku taalla bartamaha magaalada Dhuusamareeb.

Dad goobjoogayaal ah ayaa sheegay in ay arkayeen dhaawaca ku dhawaad 3-ruux oo qaraxaas wax ku noqday oo midkood la sheegay in uu dhaawac culus soo gaaray,Ciidamada ammaanka oo markiiba goobta tegay aya kala ceyriyay dadka.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media