Dhageyso:-Sheekh Nuur Baaruud oo wacad ku maray in ay Gacanta ula tegi doonaan cidii mooshin ka keenta Xukuumadda Soomaaliya

Sheekh Nuur Baaruud Gurxan,oo xalay Madaxweyne Maxamed cabdullaahi Farmaajo,uu u magacaabay in uu noqdo gudoomiye ku xigeenka Guddiga Qaran ee taakuleynta Ciidamada Soomaaliya ayaa ka hadlay mooshin la sheegay in waayadaan Xildhibaanada Baarlamanka Soomaaliya ka wadan madaxda Qaranka waxa uuna yiri.

“Diyaar uma nihin mooshin danbe, hadda dadku waxay ku sheekeystaan cadow ayaa wax soo abaabulay, Ilaahey magaciisa ayaan ku dhaartaye maalinta waxaas aan aragno aniga iyo Shacabka Soomaaliyeed iyo intii ila qabta fikirkaas inaan ugu galeyno meelaha ay joogaan oo aan garaaceyno.

Hadalkaan ayaa Sheekh Nuur Baaruud Gurxan waxa uu ka sheegay munaasabadii xalay ee lagu daahfurayay Guddiga taakuleynta Ciidamada Soomaaliya oo lagu qabtay Dugsiga tababarka Gen,kaahiye islamarkaana ay ka qeyb galeen Madaxda Qaranka.

Hoos Ka Dhageyso Codka