Ifraax Axmed ayaa bilowday samaynta Filim loogu magac daray “Gabar ka timid Muqdisho “ kaasi oo xambaarsan Taariikh Run ah oo ku aadan Dhibaatadda Gudniinka FGM iyo Awood-siinta Dumarka.
Filimkaasi waxaa ka qeyb qaadanaya Jilayaal ay ka mid yihiin Barkhad Cabdi oo wax ka jilay 2-da Filim ee caanka baxay ee (Blade Runner 2049, Eye of the Storm, Captain Phillips).
“Gabar ka timid Muqdisho†waa Qiso Run ah oo Markhaati ahaan asaas looga dhigay Ifraax Axmed oo iyada ka soo carartay dalkeeda uu dagaalladda burburiyey.
Dalka Somalia waxa uu u muuqdaa mid ka mid ah  dalalka Caalamka ee ay horkacayaan Dhaqdhaqaaq-yahanadda u ololeeya Ka-hirtagga Colaadaha asaaska u ah Jinsiga (Gender Based Violence).
Filim-samayntan waxay bishan October 18-dii ka bilaabantay dalka Belhium, waxaana la filayaa in bisha February ee sannadka soo socda lagu soo dhamaystiro dalalka in Ireland iyo Morocco.
‘A Girl from Mogadishu’ waxaa jili doonta Aja Naomi King, oo ku dhigaysa  magaca Ifraax iyo Martha Cango Antonio (Black) iyo Barkhad Abdi.
Filimka waxaa loo adeegsan doona Sawirka Fannaanadda Maryan Mursal Ciise.
Haddaba, waa Qof noocee ah Shaqsiyadda Ifraax Axmed?
Waxay ku dhalatay Xeto Qaxooti oo ku taalla dalka Somalia ee ay colaaduhu burburiteen.
Ifraax Axmed waxaa Tahriib ahaan loo geeyey dalka Ireland, sidoo iyadoo ku jirta da’da Tobanaadka (as a teenager).
Waxay ahayd qof nafteeda u hibeysay sidii loo ciribtiri lahaa ku-dhaqanka Gudniinka FGM-ka.
Ololaheeda waxa uu qaaday jid kasta ee Madaxtooyadda Ireland iyo ugu dambeyn Barlamaanka Midowga Europe (European Parliament) iyo QM.
Filimka waxaa soo saaray, qoray, Agaasimena ka ah Mary McGuckian (Qiimaha Rajada (The Price of Desire):
Ifraax Axmed waa qof aad u sarreysa oo dhiirigelin mudan, waxayna Sheekadeeda  ka hadlaysa dhamaan Xaalladaha Qaxootiga, Colaadaha dhanka Galmoodka iyo Colaadaha asaaska u ah Jinsiga, Nidaamka Magangelyo-doonka iyo Asaaska Gudniinka FGM-ka.
“Gabar ka timid Muqdisho†waxay u dabaal degaysaa Awoodda Markhaatinimada, sidee iyo goormee Haweenku heli doonaan Geesinimadda ay ku sara kacaan, hadlaan, sheegaan Runtooda.
Saamaynta waxay noqon kartaa mid ka badan  dhaqdhaqaaqa iyo Awood-siinta iyo Ficilka micnaha buuxda leh ee Isbedelka.
Soo-saaraha iyo Agaasimaha Fulinta ee Shirkadda Umedia CEO, Adrian Politowski ayaa yiri: “Guud ahaan Kooxda Umedia waxaa sharaf ay ku faanaan u ah inay ka qeyb qaataan Sheekadan Muhiimka ee La-yaabka leh (This incredibly important story)..
Waxa uu intaasi ku daray inaysan jirin waqti haatan ka fiican si loo sheego dhacdadan.
Farriinta Ifraax Axmed ayaa ah: “Waxaan rajeynayaa inuu Filimkeenna  xaqiijinayo in argagaxa Gudniinka FGM-ka la mid yahay sida Filimkii  ‘Philadelphia’ ee u uka sameeyey arrinta HIV/AIDS.
Filimka “A Girl from Mogadishu’ waxaa Koox ahaan lala shaqeeyey Hay’adda Ifrah Foundation,
Waxaana Filimka si hordhac kiibaan loo soo bandhigay bishan October 23-dii.
Ifraax Axmed waa mid ka mid ah U Dhaqdhaqaaqayaasha ugu sarreeya Caalamka ee u ololeeya Ka-hortagga Gudniinka FGM.
Waxayna heshay Abaalmarino badan oo dhinaca Samafalka iyo kuwo kale.