Haweeneyda Duqa ka ah magaalladda Minneapolis, Betsy Hodges oo ka tirsan Xisbiga Dimquraadiga, ahna Taageeraha Hillary Clinton ayaa hadalkaasi soo dhigtay Barta ay ku leedahay Facebook.
Waxay soo xulatay qaar ka mid ah Hadalkii uu Donald Trump Axadii la soo dhaafay ka jeediyey Gobalka Minnesota
Waxayna Donald Trump sheegtay Nin Jaahil oo Islaamka nacayb iyo inuu meel kaga dhacay Qiimaha Minnesota.
“Wax kasta oo aad soo qabatay Noloshaada, laga soo bilaabo Ganacsigaaga ilaa weerarkii Galmada ilaa Islaam-nacaybkaada ilaa eedeymahaaga dadka kale ee mashaakilka aad adiga abuurtay iyo khiyaanadda Jahligaga ee Qiimahaas” ayey Duqda magaalladda Minneapolis ku qortay Barta Facebook-eeda.
Waxay kaloo qortay: “Halkan waa Amerika, Donald iyo dadka Soomaalida ee Minnesota iyo Minneapolis waa Bulshadeenna, wayna dhisayaan” .
Haweeneyda Duqa ka ah magaalladda Minneapolis, Betsy Hodges waxay sheegtay inay sharaf u tahay inii Maayar ka noqoto magaallo ay ku nool Jaalliyadda Soomaalida ugu badan ee ku nool dalka Maraykanka.
Waxayna sii raacisay in Jaahilnimadda iyo Nacaybka Donald Trump iyo cabsidiisa soo xusuusinayso iyada sida ay ugu nasiib badan yihiin inay yeshaan Deris aad u weyn.
©Radio Dalsan