DHAGEYSO: Hormuud oo Fulisay Howlgal Dhirta looga Jarayey Wabiga Afgooye

Wabiga Shabeelle ee mara degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha hoose ayaa iminka waxaa uu yahay mid maran, oo aan wax Biyo ah ku jirin, waxaana soo baxay geedo aad u fara badan oo hakin jiray inay Biyaha halkaasi maraan, taas oo mararka qaarkiis geysan jiray inuu wabiga fataho.

Maamulka shirkada Hormuud ee xarunta magaalada Afgooye ayaa bilaabay inay geedahaasi jaraan, wariyaha Radio Dalsan ayaa warbixintaan soo diray.

Halkaan hoose ka dhageyso Codka.