Taliyaha Cusub ee Booliska oo Xilka la Wareegay (SAWIRRO)

Waxaa maanta si rasmi ah xilka ula wareegay taliyaha cusub ee ciidamada booliska Soomaaliya Jeneraal Cabdixakiin Daahir Saciid (Saacid), kaasi oo xilka kala wareegay taliyihii hore Maxamed Xassan Xaamud.

Munaasabad uu ka qeyb galay Wasiirka amniga Maxamed Abuukar Islow (Ducaale) iyo saraakiil ciidan ayaa lagu qabtay Muqdisho, waxaana xilka kula wareegay taliye Saacid.

Taliyaha cusub ee xilka la wareegay Cabdixakiin Daahir Saciid, ayaa xilkan hore usoo qabtay, iyadoo markale dhawaan loo magacaabay, waxaana uu sheegay inuu hormarin doono tayada ciidamada booliska, kuna dadaali doono sugida aminga Muqdisho.

Wasiirka amniga gudaha oo madasha ka hadlay waxaa uu u jeediyey taliyaha cusub inuu xoojiyo shaqada ciidamada booliska, si looga hortago dhibaatooyinka amni ee Muqdisho.

Halkaan hoose ka DAAWO SAWIRRADA:-

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media