Wasiirka Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federalka ee uu xilligeedu idlaaday, C/risaaq Cumar Maxamed ayaa Saxaafadda kula hadlay gudaha Hotelka Dayax ee ay Ashabaab maanta weerareen.
Wasiirka waxa uu tilmaamay inay Ciiddanka Dowladda iyo Ilaaladda Hotelka toogteen 4 ka tirsan Alshabaab, kuwaasi oo ka dambeeyey Weerarkaasi oo lagu dilay 10-qof, laguna dhaawacay 51-kale.
Waxa uu beeniyey inay Alshabaab gudaha u galeen Hotelka, wuxuuna xusay inay galeen guri ku dhow Hoteelka.
Warbaahinta Alshabaab, gaar ahaan Radio Andulus ayaa horey u sheegay inay Dagaalamayaal aad u tababaran oo ka tirsan Alshabaab ah gudaha u galeen Hotelkaasi.
Alshabaab waxay weerarka maanta u adeegsadeen Labo Gaari oo laga soo buuxiyey waxyaabaha qarxa oo mid ka mid ah lagu dhuftay Albaabka weyn ee laga galo Hotelka, halka gaariga Labaad uu ku qarxay meel aan ka fogeyn Hotelka.
©Radio Dalsan