Dhageyso:-Dowladda oo ka hadashay Sarkaal Maanta isku soo dhiibay

Dawladda Soomaaliya ayaa sheegtay in sarkaal ka tirsanaa Al-Shabaab uu isku soo dhiibay ciidamada dawladda Soomaaliya ee ku sugan gobolka Hiiraan.

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan ayaa bartiisa twitter-ka ku sheegay in sarkaalka isa soo dhiibay uu Al-Shabaab uga hawlgeli jiray gobolka Mudug.

Dawladda ayaa sarkaalka magaciisa ku sheegtay Bishaar Muumin Faarax.
Taliyaha Guutada 52-aad ee ciidamada Somalia Jeneraal Maxamed Axmed Tereedisho ayaa  xaqiijiyey isa soo dhiibista, waxaana uu sheegay in sarkaalkan uu watay laba qori oo AK 47 iyo rasaas badan.

Jeneral Tereedishe ayaa sidoo kale sheegay in sarkaalka gacantooda soo galay uu Hiiraan u joogay in uu howlgalo dagaal uu ka fuliyo inta lagu guda jiro bisha barakeysan ee Ramadan, waxaana uu intaa raaciyay in ay dhabar jab weyn ku tahay Al-Shabaab isa soo dhiibida Bishaar Faarax Muumin sida uu hadalka.

Hoos Ka Dhageyso Codka

Dawladda Soomaaliya ayaa sheegtay in sarkaal ka tirsanaa Al-Shabaab uu isku soo dhiibay ciidamada dawladda Soomaaliya ee ku sugan gobolka Hiiraan.

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan ayaa bartiisa twitter-ka ku sheegay in sarkaalka isa soo dhiibay uu Al-Shabaab uga hawlgeli jiray gobolka Mudug.

Dawladda ayaa sarkaalka magaciisa ku sheegtay Bishaar Muumin Faarax.

Taliyaha Guutada 52-aad ee ciidamada Somalia Jeneraal Maxamed Axmed Tereedisho ayaa  xaqiijiyey isa soo dhiibista, waxaana uu sheegay in sarkaalkan uu watay laba qori oo AK 47 iyo rasaas badan.

Jeneral Tereedishe ayaa sidoo kale sheegay in sarkaalka gacantooda soo galay uu Hiiraan u joogay in uu howlgalo dagaal uu ka fuliyo inta lagu guda jiro bisha barakeysan ee Ramadan, waxaana uu intaa raaciyay in ay dhabar jab weyn ku tahay Al-Shabaab isa soo dhiibida Bishaar Faarax Muumin sida uu hadalka u dhigay.

Hoos Ka Dhageyso Codka