Nabadoon Caan ah oo Caawa lagu dilay Magaalada Muqdisho

Koox hubeysan ayaa Caawa eybo kamid ah degmada Waaberi ee gobolkan Banaadir waxa ay ku dileen Nabadoon Caan ka ahaa degmadaas.

Nabadoonka la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Maxamed Sheekh Abuukar,sida ay Radio Dalsan u xaiijiyeen qaar kamid ah dadka deeganka.

Dilka ayaa ka dhacay Xaafada Ansalooti ee degmada Waaberi,waxana Goobta dilka ka dhacay gaaray Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya kuwaas oo halkaasi baritaano ka sameeyay in kastoo aysan cidna  usoo qaban.

Majirto cid sheegatay dilka Nabadoonka waxa uuna kamid yahay dilalka qorsheysan ee mararka qaar ka dhaca Gudaha Magaalada muqdisho,waxa uuna ku soo aadaya xili Ciidamada dowladda Soomaaliya ay howlgal amniga lagu sugayo ka wadaan Magaalada Muqdisho.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media