Wararkii ugu dambeeyay Qarax khasaaro dhaliyey oo Caawa ka dhacay Muqdisho

Faah faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax lagu soo xiray Gaari oo Caawa ka dhacay Magaalada Muqdisho, kaasi oo jugtiisa laga maqlay xaafaddo ka tirsan degmooyinla Gobolkaan Banaadir.

Gaariga qarxay oo ahaa nooca Soomaalida u taqaano Hariyar ayaa qarxay, xilli uu marayey meel u dhaw Isgoyska Baar Ubax ee degmada Howlwadaag, waxaana qaraxa kadib gaariga ka kacay dab xoogan, iyadoona goobta ay ka baxeysay qiiq iyo uuro madow.

Inta la xaqiijiyay Hal qof ayaa ku geeriyooday qaraxaas Caawa dhacay, halka laba qof kalena ay dhaawacmeen, kuwaasi oo deg deg ah loogula cararay Xarun Caafimaad, si xaaladdooda Caafimaad loogu dabiibo.

Taliyaha Ciidanka Booliska Saldhigga degmada Howlwadaag Najiib Cabdi abiib Najiib Carab oo la hadlay Wakaaladda Wararka SONNA ayaa sheegay in gaariga uu xoog ku soo dhaafay Koontaroolka Ciidanka ee Isgoyska Carwa Idko, kadibna uu qarxay.

Taliye Najiib Carab ayaa waxaa uu intaas kusii daray in gaariga uu qarxay, xili ay ceyrsanayeen Ciidanka amniga dowladda Federaalka, wuxuuna xaqiijiyay in qofkii waday oo kaliya uu ku naf-waayay qaraxa gaarigan.

Ciidamada Amniga ayaa xoojiyay sugidda ammaanka Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho, iyadoo Saraakiisha hoggaamisa ciidamada Qalabka sida ay saraakiisha amar ku siiyeen inay dardar-geliyaan sugida amniga Caasimadda, maadaama dalku ku jiro marxalad kala guur ah oo ay socdaan doorashooyin….

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor