Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa Xarunta Madaxtooyada ku qaabilay wufuud kala duwan oo taliyeyaal ciidan u badan oo ka socday dalalka Itoobiya iyo Jabuuti , kuwaas oo Hargeysa u tegay ka qaybgalka sannad-guurada 28-aad ee kasoo wareegtay Aas-aaska ciidanka Somaliland.
Wufuudda ka timid dalalka Jabuuti iyo Itoobiya oo ay hoggaaminayaan Saraakiisha ugu sarraysa Ciidamada kala duwan ee labada dal, ayey ujeeddadiisu ahayd sidii uu Madaxweynuhu saraakiisha ugaga mahadnaqi lahaa sida ay ugu soo casuuntay Somaliland ka qeyb galka Munaasabadda sannad-guurada ciidanka.
Dhankooda, Waftiga saraakiisha ah ee ka kala socda dalalka Jabuuti iyo Itoobiya, ayaa madaxweyne Muuse Biixi Cabdi uga mahadceliyay soo dhaweynta uu u sameeyay,
Saraakiisha Ciidan ee Maanta tegay Magaalada Hargeysa ayaa Maanta ka qeyb galay Munaasabadda sannad-guurada ciidanka Somaliland oo Maanta oo Arbaco ah ku beegneyd, taasi oo ka qabsoontay Magaalada Hargeysa ee Caasimadda Somaliland.