DEG DEG: Booliska Belgium oo xiray 12 ruux oo weerar cusub qorsheynayay

Ciidamada Booliska Belgium ayaa goor dhaw ku xiray magaalada Brussels ee dalka Belgium ku dhawaad 12 ruux oo qorsheynayay weeraro cusub oo dalkasi laga fuliyo.

Warbaahinta dalka Belgium oo soo xiganeysa dacwad oogaha federaalka ee Belgium ayaa sheegay in dadka la xiray lala xiriirinayo kooxaha argagixisada ah sida Daacish.

Laba qarax oo ay dad badan ku dhinteen ayaa hore uga dhacay magaalada Brussels gaar ahaan garoonka diyaaradaha iyo wada tareen oo dhulka hoos marta.

Kooxda Daacish ayaa sheegatay masuuliyada qaraxyadasi oo ay fuliyen laba nin oo walaalo ahaa.