Madaxweynaha Soomaaliya oo farriin u diray Ra’iisul Wasaaraha Cusub ee UK

Madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya mudane, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hambalyo u diray Ra’iisulwasaaraha cusub ee dalka Britain, Rishi Sunak.

Wasiirkii hore ee Maaliyadda dalka Ingiriiska Rishi Sunak ayaa ku guuleystay hoggaanka xisbiga Conservative-ka Britain, ka dib markii ay Penny Mordaunt oo la tartamaysay heli weyday inta badan codadka xildhibaannada.

Boqortooyada Uk iyo Soomaaliya ayaa waxaa ka dhexeeya xiriir adag oo laba geesood ah oo ku dhisan iskaashi iyo ixritaam, wuxuuna madaxne Xasan Sheekh u rajeeyay Ra’iisulwasaare Rishi Sunak inuu sii kobciyo iskaashiga iyo adkaynta danaha labada dhinac.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor