Daroogo-iibiyaal Somali ku sugan dalka Finland oo la xukumay

Idaacadda Qaranka Finland ee Yle ayaa shaacisay in 20 Eedeysane la soo taagay Maxkamadda Degmadda Espoo, kuwaasi oo lala xiriirinayo Iibinta iyo Tahriibinta Daroogadda.

Eedeysanayaasha oo isugu jiray kuwo u dhashay dalka Finland iyo kuwo shisheeye ah ayaa la sheegay inay yihiin Shabakad Caalami oo ka ganacsata noocyadda Daroogadda khatarta ah.

Dukumenti ay Hay’adda Dembi-baarista Qaranka Finland (NBI) u soo gudbisay Xeer-ilaalinta Maxkmaadda ayey ku xusseen inay Eedeysanayaasha Kumanaan xabbo oo Kaniiniga daroogadda iyo tobanaan kun oo Kiilo-garam oo noocyadda Daroogadda soo geliyeen dalka Finland tan iyo bishii March ee sannadkii hore ee 2014-ka.

Hay’adda Dembi-baarista Qaranka Finland (NBI) waxay ku qiimeysay  inay dhowr million oo Euro lagu iibiyey Daroogooyinkaasi.

Eedeysanayaasha oo ay ka mid ahaayeen dhowr Somali ah ayaa waxaa lagu kala xukumay  xabsi muddadiisa u dhexeyso labo sanno ilaa ugu yaraan 10-sanno.

Eedeysanayaasha ay Maxkamadda Espoo ku riday xukunnadda kala duwan ayaa waxay u kala dhasheen dalalka Finland, Somalia, France, Belgium, Holland, Iraq, Estonia iyo Lithuania.

Hawlgalka lagu soo qabtay 20-ka Eedeysane ayaa la sheegay inay iska kaashadeen Hay’adda Dembi-baarista Qaranka Finland (NBI) iyo Boliska dalalka Holland, Poland, Lithuania, Belgium,  France, Boliska Caalamiga ee INTERPOL, iyo Hay’adda Midowga Europe ugu qaabilsan Iskaashiga Garsoorka ee Eurojust.

Xigasho: Yle.com

© Warqabadka Dalsan Radio