Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho ayaa Maanta oo Khamiis ah waxaa kasoo degtay Diyaarad siday Muwaadiniin Soomaaliyeed oo ku xayirnaa dalka dibadiisa.
Muwaadiniintan soo gaaray Muqdisho ayaa sigaar ah ugu xayirnaa Magaalooyinka Jeddah iyo Riyad ee dalka Boqortoyada Sacuudiga, waxaana dalka dib ugu soo celisay dowladda Soomaaliya, iyagoo kamid noqonaya kuwo horey soo celiyay.
Tirada Muwaadiniinta lasoo celiyay ayaa gaareysa 142 Ruux oo isugu jiray Rag, dumar iyo Caruur, waxaana dowladda sheegtay in arrintaan ay qeyb ka tahay qorshaha ballaaran oo ay ku dooneyso inay kaga jawaabto baahida dadka.
Diyaaradan ayaa noqoneysa tii 8-aad oo Muwaadin Soomaaliyeed ka keenta dalka Boqortooyada Sacuudiga, waxaana dadka dib loogu soo celiyay dalkooda ay aad uga mahadceliyeen kaalinta dowladdu ay ka qaadatay.