Askari ka badbaaday Weerarkii Dagaalamayaasha Alshabaab bishii Janaayo 15-dii ee sannadkii hore kju qaadeen Deegaanka Ceel-cadde ayaa sheegay in Weerarkaasi lagu dilay 173-Askar Kenyan ah.
Wargeyska The Standard ee ka soo baxa Nairobi oo wareysi la yeeshay 2 ka mid ah Askartii badbaaday ayaa sheegay inay 2,000 oo Dagaalyahano Alshabaab ah soo weerareen Saldhigoodii Ceel-cadde, kuwaasi oo ay ku jireen Dagaalyahano si fiican ugu hadlayey Luqadda Kswahili, oo ay dhici karto inay ahaayeen dad Kenyan ah.
Askari magaciisa la qariyey, balse loogu yeero Ben ayaa sheegay inay Dagaalamayaasha Alshabaab markii ugu horreysay ay Gaari Toyoto Prado haa u adeegsadeen inuu ku qarxiyaan Albaabka Weynaa ee Xeradda Ceel-caadde.
Askarigaasi oo sheegay inuu ku hoos jiray God u dhow meel ay Alshabaab ku qarxiyeen Taangi yiilay Xeradda ayaa sheegay inay 234 Askari Kenyan ah ku sugnaayeen Xeradda, isla markaana ay habeenkii oo dhan ku jireen Heegan, kadib, markii loo sheegay inuu weerar ku soo fool leeyahay abaaraha Kowda Habeeninimo ee Saq-dhexe, waa sida uu hadalka u dhigay.
Waxa uu intaasi ku daray inuusan Taliyahooda, Gaashaanle Geoffery Obwoge helin war Sirdoon o ku aadan Weerarkaasi, inkastoo warar kale sheegeen inuu ka war hayey Weerarkaasi.
Askarigaasi Kenyanka ka badbaaday weerarkaasi waxa uu sheegay inay Alshabaab weeraro Is-qarxin iyo Dagaal Toos ah ku soo qaadeen Xeradda abaarihii 4-tii ilaa 5-tii Aroornimo, iyadoo Dagaalyahanadda Alshabaab ku yimaadeen gawaari, ka hor intaysan Hoobiyayaal iyo Rasaas dhinac kasta kaga asqeysiinin Xeradda.
Dhinaca kale, Askariga Ben iyo 4 Askari oo ka badbaaday Weerarkii Ceel-cadde ayaa la sheegay inay muddo 3 maalmood lugeynayeen, ka hor intaysan taageero ka helin Ciiddan Kenya oo u soo gurmaday Askartii ku sugnaa Xeradda Ceel-cadde.
Si kastaba ha ahaatee, Dowladda Kenya ayaan weli shaacinin tirada rasmiga ee lagu dilay Weerarkii Alshabaab ku qaadeen Xeraddii Ceel-cadde, inkastoo ay Xarakadda Alshabaab sheegeen inay 200-Askari dileen, isla markaana ay Askar Kenyan nool gacanta ku dhigeen, kuwaasi oo qaarkooda loo soo bandhigay Warbaahinta.
©Radio Dalsan