Dad Fara badan oo Soomaali ah ayaa la Xanuunsan Xanuunka HIV hase yeeshee Dadkaas marka la fiiriyo Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya waa ay ku dhibaateysan yihiin waxayna Maalin waliba ay la kulmaan Faquuq aad u Baahsan,waxaana Faquuqa ugu badan uu uga yimaadaa Qaybta HIV ee Wasaaradda Caafimaadka sida uu sheegey Maxamed Saciid Shire oo Ururka dadka la nool Xanuunka HIV u qaalbisan Dhinaca Caafimaadka ama Daawada islamarkaana la taliya dadka qaba Xanuunka HIV
“Waxaan ka Cabaneynaa Qaybta HIV Qaabilsan Wasaarada Caafimaadka oo Dadka qaba Xanuunka HIV faquuq weyn ku sameeysey ,sidoo kale Qaybtaas qaabilsan HIV waxay noo adeegsatey Awood islamarkaana Waxay Barnaamijyo ay la haayeen Dadka Xanuunka HIV ay siiyeen Dad kale sidaa darteed mar aan weydiiyey Maxamed Saciid in ay Cabashadooda u Gudbiyeen Wasiirada iyo Hayadaha Qaabilsan Xanuunkaas ayaa Waxaa uu yiri
“Wax badan ayaa Cabashadeeda ku aadan Qaybta HIV ee Wasaarada Caafimaadka u gudbiney Madaxda Dowlada, Xildhibaanada Baarlamaanka, Wasiirada Caafimaadka Drs Fowsiyo,Hayadaha Taageera Dadka Qaba xanuunka HIV iyo Gudiga la Dagaalanka Xanuunka ee Koonfurta iyo Bartamaha ee SCAC hase yeeshee waxaana isla hayn wax badan baa is bedeli doono balse weli Faquuqii waa uu ka jiraa Qaybtaas waxaa kale uu intaa ku darey Maxamed Saciid
“Qaybta HIV ee Wasaarada Caafimaadka weli ma aqoonsane Ururka ay leeyhiin dadka la nool Xanuunkaas sidoo kale waxay wax ka qaban waayeen Faquuqii aan kala kulaney Isbitaalada qaar ka dib markii dadka Xunuunkaas laga hor istaagey in ay isbitaaladaas ka helaan Adeeg Caafimaada Tusaale Hooyo Uur oo qabta Xanuunkaas ayaa Isbitaalada Diideen in ay Fooliyaan Aakhirkii Hooyadaas waxay ku dhashey Canug Mayd ah Goob Umuliso dhaqameed oo aan Tababarneyn waan wax laga naxo in Shaqaale Caafimaad oo Tababaran ay faquuqaas Sameeyaan.
Ugu Dambeyn Dadka Qaba Xanuunka HIV waxay u soo jeediyeen Madaxda Qaranka , Xildhibaanada Federaalka iyo Wasiirada Caafimaadka in ay si deg deg ah wax uga qabtaan Cabashadeen waxaan si gaar oo Xushmad ku jirto uga codsaneynaa Wasiirada Caafimaadka in deg deg arrintaa u soo farageliso maadaama Xaquuqdii aan ku lahayn Qaybta HIV Wasaarada Caafimaad aan ka heli weyney