Ciidamada Amniga oo gacanta ku dhigay hub iyo gaarigii xalay lagu weeraray Muqdisho

Ciidamada Amniga dowlada federaalka Soomaaliya ayaa xalay gacanta ku dhigay hub u badan hoobiyeyaal iyo gaari hoomey ah oo loo adeegsaday weerar madaafiic ah oo lala damacsanaa madaxtooyada Soomaaliya.

Ciidamada amniga ayaa sheegay iney rasaas isweydarsaden raggii watay gaariga la qabtay ka hor inta aysan baxsan.

Ugu yaraan 3 ruux ayaa ku dhimatay Weerarka madaafiicda waxaana kamid ahaa dadka dhintay hooyada qoys uu madafac ku dhacay,seygeyda iyo wiil yar oo ay dhashay ayaa sido kale ku dhaawacmay.

Tirada guud ee dhaawaca waa in kabadan 13 ruux sida laga soo xigtay saaraakiisha amniga iyo kuwa caafimaadka.

1 geesi hobiye police used well