Rag hubeysan ayaa Caawa weerar bambaano waxa ay ku qaadeen Xarunta Maamulka degmada Boondheere ee Gobolkaan Banaadir,waxaana weerarkaas ka dhashay khasaaro dhaawac ah.
Goobjoogayaal ayaa Dalsan waxa ay u sheegeen inay maqlayeen jugta weerarka bambaano,kadibna ay maqleen rasaas ay rideen Ciidamo Boolis ah oo ku sugan Xarunta degmada.
Guddoomiyaha laanta koowaad ee Nasiibuundo oo lagu Magacaabo Suuley oo aan la xiriirnay ayaa sheegay in bamka laga soo tuuray Luuq u dhow MCH halkaasi ku yaalla ee dhinaca Siinay,isla markaana uu ku dhaawacmay mid ka mid ah Ciidamada Booliska ee Xarunta ku sugan.
Wararkii u dambeeyay ee haatan naga soo gaaraya Xarunta degmada ayaa waxa ay sheegayaan in xaaladu ay tahay mid degan,isla markaana Ciidamo Boolis ah ay ku sugan yihiin Xarunta degmada Boondheere.