Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa Maanta oo sabti ah waxaa ay mar kale dib u bilowday dhageysiga kiiska dilkii loo geystay Guddoomiyihii hore ee degmada Hodan ee Gobolka Banaadir Cabdixakiin Dhaga-juun.
Maxkamadda ayaa horey u bilowday Maxkamadeynta 7 ruux oo loo heysto dilkii Allaha u naxariistee Guddoomiye Dhaga-juun, kuwaasi oo 24-kii bishii Apr 2021 la horgeeyay Maxkamadda Ciidamada.
Xeer Ilaaliyaha guud ee Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida Jeneraal Cabdullaahi Buulle Kameey ayaa horey u sheegay in dilkii loo geystay Cabdixakiin Dhaga-juun uu ahaa mid dhacay si kula kac ah, ayna ku ogaadeen baarista la sameeyay.
Fadhiga Maxkamadda ayaa waxaa Maanta ku sugan Saraakiil ka tirsan Maxkamadda Ciidamada, rag loo heysto dilka marxuumka oo ay Saraakiil Booliis ah ku jiraan, Ehelada Marxuumka iyo xubno kale.
Si kastaba Allaha u naxariistee Guddoomiyihii hore ee degmada Hodan ee Gobolka Banaadir Cabdixakiin Dhaga-juun ayaa 21-kii Janaayo lagu dilay, xili habeen ah Is-rasaaseyn ka dhacday meel ku dhow Isgoyska Howlwadaag ee Gobolka.