Askari Ethiopian iyo qof rayid oo ku geeriyooday qaraxyo ka dhacay Baardheere.

Magaalladda Baardheere ee Gobalka Gedo waxaa saakayto ka dhacay silsilado qaraxyo ah, kuwaasi oo la sheegay inay ku geeriyooday Askari Ethiopian iyo qof rayid oo lagu magacaabi jirey C/raxmaan Sheekh Xerow.

Saraakiisha Ammaanka ee Baardheere ayaa sheegay in ilaa 5 qarax ka dhaceen Waddo ay inta badan isticmaalaan Gaadiidka Ciiddanka Ethiopia ee ka hawlgala Gobalka Gedo.

Saraakiisha waxay kaloo tilmaameen inay qaraxyaddu ka dhaceen meelo kala fog, waxayna Ciiddanka Ethiopia kala furfureen 2 miino oo ka mid ah miinooyinkii ay Alshabaab saakayto ku aaseen Baardheere.

Rag lala xiriirinayo inay maleegeen qaraxyadaasi ayaa gacanta lagu dhigay, waxaana lagu hayaa baaritaano.

Dhinaca kale, ma jiraan warar madax bannaan oo xaqiijinayo Khasaaraha ka dhashay Qaraxyadaasi oo mid ka mid ah la sheegay in lala beegsaday Gaari Booyadle biyaha u soo dhaamiya Ciiddanka Ethiopianka ee ku sugan gudaha Baardheere.

©Radio Dalsan