• JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
Tuesday, June 24, 2025
  • Login
Radio Dalsan
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
Play
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
No Result
View All Result
Radio Dalsan
No Result
View All Result
Home Warar

Madaxweynaha: “ Waxaan shacabka ugu baaqayaa inay si dhow ula shaqeeyaan, xogtana ula wadaagaan laamaha amniga’’

Dalsan Editor by Dalsan Editor
March 5, 2016
in Warar
Reading Time: 5 mins read
A A
0
VIEWS
Share on FacebookShare on Twitter

Muqdisho, 5 March 2016: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta si rasmi ah u daah-furey barnaamijka wadashaqeynta gobolka iyo degmooyinka gobolka Banaadir ee xoojinta amniga caasimadda.

Kulankan ballaaran oo ay ka soo qeybgaleen madaxda gobolka Banaadir, guddoomiyeyaasha degmooyinka gobolka, taliyeyaasha ciidammada gobolka, iyo mas’uuliyiin kale ayaa Madaxweynaha waxaa uu ka jeediyay khudbad uu ku dhiirigelinayo shacabka inay si dhow ula shaqeeyaan laamaha amniga, maamulka gobolka iyo degmooyinka si looga adkaado cadowga.

“Waxaan dagaal kula jirnaa cadow caalami ah oo khatar ku ah amnigeena iyo jiritaankeena. Cadowga Al Shabaab ee aan la dirireyno wuxuu haatan hadafkiisu yahay xasuuqa shacabka, taana waxaa daliilu ah ficiladooda ay sida arxan-darada ah ugu beegsanayaan shacabka Soomaaliyeed.

Dagaalkan waxaan uga guul gaari karnaa inagoo si wadajir u wajahna, dadaalkeenanan meel isugu geyna’’, ayuu yiri Madaxweynaha.

Madaxweynaha ayaa xusay in doorka gobolka Banaadir ee dhinaca amniga caasimadda aanay ahayn arin cusub ama go’aan hadda uun la gaaray, balse ay tahay arin horey qaanuunka ugu xusneyd oo haatan si wanaagsan loo qeexay, isagoo sheegay in doorkaasi ay la socdaan mas’uuliyad iyo isla xisaabtan.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in go’aamadii dhowaan ka soo baxay Golaha Wasiirrada ay ahaayeen kuwo dhaxal gal ah oo wax ka taraya xoojinta amniga magaalada Muqdisho.

“Go’aamada la gaarey ee dhaxalgalka ah waxaa ka mid ah in la yareeyo gawaarida hubeysan ee magaalada dhex wareegaya. Waa inaan wacyigeena amniga kor u qaadno, feejignaan dheeri ahna aan muujino . Hanjabaadaha cadowga yaaney idin niyad jebin, taa bedelkeedana waxaan shacabka ugu baaqayaa inay ciidammada la shaqeeyaan oo ay soo wargeliyaan mar kasta oo ay arkaan waxyaabo ay ka shakiyaan, amaba wax u dhimi kara amniga qaranka’’.

Waxaa uu Madaxweynaha sheegay in wiilashii Soomaaliyeed ee ka tirsanaa ciidammada amniga ee ku dhintey weerarki ugu dambeeyey ee kooxaha nabad diidka ay la fuliyeen Muqdisho ay ahaayeen shuhado difaacayey shacabka iyo qaranimada Soomaaliya.

“Wiilashan waxay u dhinteen si ay u badbaadiyaan hooyooyinka iyo aabeyaasha Soomaaliyeed. Dhiiggooda ayay ku bixiyeen inay cadowga ka hor istaagaan inaan la waxyeeleyn dad rayid ah oo noloshooda raadsanaya.

Waan ka xumahay inay jiraan dad wax ka sheegaya wiilashaasi sharafta ku dhintey, waxaana si cad u sheegaya in kuwa wax ka sheegaya ciidammadeena duruufaha adag ku shaqeynayaa inay yihiin kuwo u adeegaya danaha Al Shabaab’’.

Waxaa uu dhanka kale Madaxweynaha sheegay in dowladda ay muhimad gaar ah siineyso daryeelka ciidammada, dadaal kastana ay ku bixineyso in xaqa ay leeyihiin iyo daryeelka ay mudan yihiin ay helaan.

“Way dhacdaa in mar mar mushaharka uu ka soo daaho ciidankeena, hadana waxaan mar walba xaqiijinaa in mushaharaadka ka daahay oo dhan la siiyo. Sidaad wada ogtihiin dowladdeena dhaqaale ku filan ma haysato.

Dhowaan booliska waxaa la siiyay mushaharaad dhowr bilood ka soo daahay. Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeedna, waa la siinayaa wixii mushaharaad ah ee ka baaqdey.

Waxaan farayaa Wasiirrada Gaashaandhigga, Amniga iyo Maaliyadda inay qalabka warbaahinta ay bulshada warbixin kaga siiyaan xaaladda daryeelka ciidammada si meesha looga saaro wararka kutiri-kuteenka ah ee la faafinayo’’.

Madaxweynaha ka hor waxaa halkaasi hadalo ka jeediyay Wasiirka Amniga Qaranka Mudane Cabdirisaaq Cumar Maxamed iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, ahna Duqa magaalada Muqdisho, Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale.

—————-DHAMMAAAD————————

Daud Aweis
Afhayeenka Madaxtooyada
Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya
Email: [email protected]
www.villasomalia.gov.so

Previous Post

Askari Ethiopian iyo qof rayid oo ku geeriyooday qaraxyo ka dhacay Baardheere.

Next Post

Waxqabadka Dawladda ee isbuucii la soo dhaafay

Dalsan Editor

Dalsan Editor

Related Posts

Madaxweyneyaashii Hore ee Soomaaliya oo Cambaareeyay Weerarkii Iran ku Qaadday Qatar
Warar

Madaxweyneyaashii Hore ee Soomaaliya oo Cambaareeyay Weerarkii Iran ku Qaadday Qatar

June 24, 2025
Soomaaliya oo si Kulul u Cambaareysay Weerarkii Iran ku Qaaday Saldhigga Mareykanka ee Qatar
Warar

Soomaaliya oo si Kulul u Cambaareysay Weerarkii Iran ku Qaaday Saldhigga Mareykanka ee Qatar

June 24, 2025
Iran oo Gantaallo Ku Weerartay Saldhigga Ciidamada Mareykanka ee Qatar
Caalamka

Iran oo Gantaallo Ku Weerartay Saldhigga Ciidamada Mareykanka ee Qatar

June 24, 2025
Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre oo Ka Qeybgalay Daahfurka Hiigsiga Qarni-jirka 2060-ka
Warar

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre oo Ka Qeybgalay Daahfurka Hiigsiga Qarni-jirka 2060-ka

June 23, 2025
Madaxweyne Xasan Sheekh oo Daahfuray Qorshaha Hiigsiga Qarni-jirka 2060-ka
Warar

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Daahfuray Qorshaha Hiigsiga Qarni-jirka 2060-ka

June 23, 2025
“Xamsa Barre: Looma Laabanayo Doorasho Dadban”
Warar

“Xamsa Barre: Looma Laabanayo Doorasho Dadban”

June 23, 2025
Next Post

Waxqabadka Dawladda ee isbuucii la soo dhaafay

Somalia Denounces Iran’s Missile Strike on U.S. Base in Qatar, Urges Restraint Amid Rising Gulf Tensions

Somalia Denounces Iran’s Missile Strike on U.S. Base in Qatar, Urges Restraint Amid Rising Gulf Tensions

by Gesey Liban
June 24, 2025
0

Mogadishu, Somalia – In a strong and swift response to rising tensions in the Gulf, the Federal Government of Somalia...

Former Somali Presidents Condemn Iranian Missile Strike on Qatar as “Unacceptable Aggression”

Former Somali Presidents Condemn Iranian Missile Strike on Qatar as “Unacceptable Aggression”

by Gesey Liban
June 24, 2025
0

Two former Somali presidents, Mohamed Abdullahi Farmaajo and Sheikh Sharif Sheikh Ahmed, have strongly condemned Iran’s missile attack on the...

Madaxweyneyaashii Hore ee Soomaaliya oo Cambaareeyay Weerarkii Iran ku Qaadday Qatar

Madaxweyneyaashii Hore ee Soomaaliya oo Cambaareeyay Weerarkii Iran ku Qaadday Qatar

by Ilhaan
June 24, 2025
0

Madaxweyneyaashii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Sheekh Shariif Sheekh Axmed, ayaa si adag u cambaareeyay weerarkii gantaallaha ahaa...

Soomaaliya oo si Kulul u Cambaareysay Weerarkii Iran ku Qaaday Saldhigga Mareykanka ee Qatar

Soomaaliya oo si Kulul u Cambaareysay Weerarkii Iran ku Qaaday Saldhigga Mareykanka ee Qatar

by Ilhaan
June 24, 2025
0

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si adag u cambaareysay weerarkii gantaallaha ahaa ee ay Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iran ku qaaday...

Somalia Denounces Iran’s Missile Strike on U.S. Base in Qatar, Urges Restraint Amid Rising Gulf Tensions
English News

Somalia Denounces Iran’s Missile Strike on U.S. Base in Qatar, Urges Restraint Amid Rising Gulf Tensions

June 24, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Former Somali Presidents Condemn Iranian Missile Strike on Qatar as “Unacceptable Aggression”
English News

Former Somali Presidents Condemn Iranian Missile Strike on Qatar as “Unacceptable Aggression”

June 24, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Madaxweyneyaashii Hore ee Soomaaliya oo Cambaareeyay Weerarkii Iran ku Qaadday Qatar
Warar

Madaxweyneyaashii Hore ee Soomaaliya oo Cambaareeyay Weerarkii Iran ku Qaadday Qatar

June 24, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Soomaaliya oo si Kulul u Cambaareysay Weerarkii Iran ku Qaaday Saldhigga Mareykanka ee Qatar
Warar

Soomaaliya oo si Kulul u Cambaareysay Weerarkii Iran ku Qaaday Saldhigga Mareykanka ee Qatar

June 24, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Iran oo Gantaallo Ku Weerartay Saldhigga Ciidamada Mareykanka ee Qatar
Caalamka

Iran oo Gantaallo Ku Weerartay Saldhigga Ciidamada Mareykanka ee Qatar

June 24, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Breaking: Iran Launches Retaliatory Missile Strikes on U.S. Base in Qatar, Raising Gulf Tensions
English News

Breaking: Iran Launches Retaliatory Missile Strikes on U.S. Base in Qatar, Raising Gulf Tensions

June 24, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Facebook Twitter

About

Radio Dalsan

Radio Dalsan

Radio Station

Radio Dalsan was established in April 2012 in Mogadishu, Somalia with FM frequency 91.5MHz . The radio is registered with the federal ministry of information in Somalia. Dalsan is an independent and autonomous FM Radio station. The radio broadcasts for 18 hours in Somalia and also the Radio is on satellite broadcasting to Africa and Asia.

Follow us

Categories

  • Africa
  • Barnaamijyada
  • Bilan Media
  • Caafimaadka
  • Caalamka
  • Diini
  • English News
  • Maqal
  • Muuqaal
  • Opinion
  • Podcast
  • Warar
  • WARARKA AF INGIRIISIGA
  • Wararka Idaacadda
  • Wareegga Wararka
  • Wareysiyada
  • World News
  • Xulashada Ciyaaraha
  • Xulasho
  • XULKA WARARKA

Recent Posts

  • Somalia Denounces Iran’s Missile Strike on U.S. Base in Qatar, Urges Restraint Amid Rising Gulf Tensions
  • Former Somali Presidents Condemn Iranian Missile Strike on Qatar as “Unacceptable Aggression”
  • Madaxweyneyaashii Hore ee Soomaaliya oo Cambaareeyay Weerarkii Iran ku Qaadday Qatar
  • Soomaaliya oo si Kulul u Cambaareysay Weerarkii Iran ku Qaaday Saldhigga Mareykanka ee Qatar

© 2024 Radio Dalsan - Allrights reserved.

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In
No Result
View All Result
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio

© 2024 Radio Dalsan - Allrights reserved.

-
00:00
00:00

Queue

Update Required Flash plugin
-
00:00
00:00