War-saxaafadeed ay si wadajir u soo saareen Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Dadban ee Heerka Federalka, Avvocate Omar Mohamed Abdulle iyo Guddoomiyaha Guddiga Xalinta Khilaafyadda ee Doorashooyinka, C/risaaq Barre Jaamac ayaa lagu sheegay in u codeynta Kuraasta Aqalka Sare ee Barlamaanka ku dhow yihiin in la soo dhamaystiro, halka ku-dhawaad 40% la soo buuxiyey Kuraasta Aqalka Hoose ee Barlamaanka.
War-saxaafadeedka waxaa lagu xusay inay dhamaan Doorashaddu ku dhaceen si Nabad buuxda, marka laga reebo shilal shaqaaqo oo ka kala dhacay magaallooyinka Jowhar, Baydhabo, Cadaado iyo Kismaayo.
Guddiyadda Doorashadda iyo Xalinta Khilaafyadda ee Heer Federal waxay walaac xooggan ka muujiyeen Eedeymaha ku aadan Maamul-xumid tiro ka mid ah Dorashadda Aqalka Hoose ee dhawaan lagu qabtay Goballo kala duwan.
Waxaana Eedeymahaasi ku jira Dhibaataynta iyo Hanjabaadda loo geystay qaar ka mid ah Guddiga Maamulka Doorashooyinka, Musharixiinta iyo Liiska Ergooyinka.
War-saxaafadeedka waxaa kaloo lagu muujiyey in Hantida Dowladda si xun loogu isticmaalo Doorashadda, oo ay ku jiraan Isticmaalka xubnaha Ciiddanka Ammaanka si loogu cabsi geliyo qaar ka mid ah Musharixiinta Barlamaanka.
Waxaa kaloo la adeegsay Dhaqaale lagu cabsi-gelinayo Musharixiinta ama Xeer-jajab lala galo qaar ka mid Musharixiinta iyo Ergooyinka.
War-saxaafadeedka Guddiyadda Doorashadda iyo Xalinta Khilaafyadda ee Heer Federal waxay sheegeen inay si iskaashi dhow uga shaqeyn doonaan Waajibaadkooda si ay si fiican ugu baaraan Eedeymahaasi, isla markaana ay go’aan ka gaari doonaan marka la soo dhameeyo Baaritaanada Xaqiijinta.
Dhinaca kale, War-saxaafadeedka waxaa kaloo si gaar ah loogu muujiyey Walaaca ku aadan inay qaar ka mid ah Beelaha si buuxda u hirgelin Heshiiskii Hoggaamiyayaasha Madasha Qaran ee lagu ansixiyey in Qoondada Haweenka ay 30% ku leeyihiin Kuraasta Labada Aqal ee Barlamaanka soo socda.
Qoddobkaasi ayaa waxa uu qeexayaa in saddexdii Kursiba Hal kursi leeyihiin Haweenka, loona baahan yahay in lagu xushmeeyo dhamaan Doorashooyinka soo socda.
War-saxaafadeedkan waxaa si wadajir ugu saxiixnaa Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Dadban ee Heerka Federalka, Avvocate Omar Mohamed Abdulle iyo Guddoomiyaha Guddiga Xalinta Khilaafyadda ee Doorashooyinka, C/risaaq Barre Jaamac. |
|