Hadal ka soo baxay Hay’adda Midowga Europe ee Hawlaha Hawada Sare ee loo soo gaabiyey EU SST ayaa waxaa ay ku sheegtay inuu Gantaalka Long March 5B Y2 mar kale uu Hawada sare soo geli doono saqda Dhexe ee Caawa ilaa berrito Subax oo Axad ah.
Gantaalka ayaa waxaa uu Abaaraha 03:11 daqiiqo ee saqda Dhexe ee xalay dul mari doono Badda Mediterranean Sea, Koonfurta Qaaradda Europe, Koonfurta dalka Bortiqiiska , Spain iyo Greek.
Hay’adda kale ee Duullimaadka Hawada Sare ee The Aerospace Coperation ee dalka Maraykanka waxay sheegtay inuu Gantaalka Shiinaha soo geli doono Hawada dhulka Caawa ilaa berri Subax.
Wararka isbedayo ee Gantaalkaasi ayaa waxaa ay kuwii u dambeeyey sheegayaan in Gantaalka uu berri Subax ku dhici doono Deegaan u dhow dalka New Zealand.