Cabdirisaaq Siciid Bullaale oo ah Abaanduulaha Koowaad ee Ciidanka Somaliland ayaa waxaa uu ka Jawaabay Eedeymo uu Somaliland u soo jeedyay Taliyaha Ciidammada Puntland xili uu ku sugnaa Degmada Badhan ee Gobolka Sanaag.
Abaanduulaha Koowaad ee Ciidanka Somaliland oo Maanta warbaahinta Shir Jaraa’id ugu qabtay Magaalada Hargeysa ayaa waxaa uu sheegay in hadalkii ka soo yeeray Taliyaha Puntland ee ahaa in Somaliland ay xiriir la leeday Al-shabaab uu hadalkaas yahay mid aan waxba ka jirin.
Cabdirisaaq Siciid Bullaale ayaa sheegay in Caalanka uu ogyahay in Somaliland iyo Al-shabaab uusan wax xiriir ah ka dhexeyn,isla markaana ay mamulkooda dagaalka ku jiro Shabaab iyo Burcad Badeeda.
“Waxaan uga jawaabaynaa hadalladii Deel-qaafka ahaa ee uu Taliyaha Ciidamada Puntland uu bishan 5-dii Badhan kaga hadlay, hadalladaas oo ahaa inuu Somaliland ku tilmaamay Al-shabaab ama Somaliland iyo Al-shabaab iskaashadaan,halkaas waxaa uu yahay aan waxba jiri”ayuu yiri Abaanduulaha.
Isaga oo sii hadlaayay ayuu xusay Cabdirisaaq Siciid in Al-shabaab iyo Burcad badeed midna Saldhig ku lahayn deegaanada Somaliland,isla markaana ay ka Caagan yihiin.
Ugu dambeyntii Abaanduulaha Koowaad ee Ciidanka Somaliland ayaa sheegay in Xadka Somaliland uu Magaalada Boosaaso u jiro 15KM, Qardhana uu u jiro 7KM,halka Magaalada Garoowe-na uu u jiro 5KM.
Si kastaba hadalka Abaanduulaha Koowaad ee Ciidanka Somaliland ayaa waxaa kusoo,iyadoo dhawaan Taliyaha Ciidanka Puntland xili uu ku sugnaa Degmada Badhan uu sheegay in Somaliland ay xiriir la leeday Al-shabaab.