Saddexdaasi Gantaal ayaa saakayto laga tuuray magaalladda Hawangji ee Galbeedka dalkaasi, iyadoo mid ka mid ah uu ku habsaday Saldhig ay Ciiddanka ay Ciiddanka Cirka ee dalka Japan leeyihiin.
Milliteriga dalka Koonfurta Kuurya waxay sheegeen in Gantaaladaasi oo nooca ridada dhexe ah ee RODONG ay wax ka duqeyn karaan masaafo dhan Kun KM, isla markaana loogu talagalay in Madaxda G20 lagu tusiyo Awoodda Ciiddan ee Waqooyiga Korea.
Tijaabadaasi ayaa lagu soo beegay xilli ay Madaxweynaha dalka Koonfurta Kuurya iyo Ra’isul wasaaraha dalka Japan oo kulan ku lahaa Madasha Shirweynaha Hoggaamiyayaasha Dalalka G20 uga socda magaalladda Hangzohu ee Bariga dalka Shiinaha.
Haweeneyda Madaxweynaha ka ah dalka Koonfurta Kuurya Park Geyn Hye ayaa cambaareeysay Tijaabadda Gantaalladda ee Waqooyiga Kuurya, waxayna sheegtay in lagu carqaladeynayo Xiriirka u dhexeeya Dowladaha Koonfurta Kuurya iyo Shiinaha.
Waxay kaloo tilmaamtay inay iyada iyo Ra’isul-wasaaraha Japan, Shino Abe isku raaceen inay iska kaashadaan sidii loola socon lahaa Xaalladdaasi.
©Radio Dalsan