Wakiilka Qaramada Midoobey ee Soomaaliya James Swan ayaa shegay in ay jiraan waxyaabo badan oo ay ku ggulaysatay dowladda Soomaliya, waxaa uu sheegay in tan iyo markii dowladda talada haysa ay la wareegtay xafiiska talada in ay jiraan waxyaabo muhiim ah oo u hirgalay.
James Swan oo Khudbad laga siiyay shirka Golaha ammaanka ee Qaramada midoobey maanta ay ka yeesheen xaaladda Siyaasadeed ee dalka Soomaaliya ayaa waxaa uu ka sheegay in dowladda Soomaaliya u baahan taahy in dhinacyo badan laga gacan siiyo.
Doorashooyinka soo aaddan ee dalka ka dhci doono ayuu sheegay in loo baahan yahay in la dar-dar galiyo, warbixinta uu siiyay QM ayuu ku faah faahiyay Swan shirka Dhuusamareeb iyo sidoo kale xaaladaha iyo dhibaatooyinka Cabuqa Covid19 ee caalamka saameynta ku yeeshay, waxaana uu shegay in Soomaaliya ay saameyn gaar ah ku yeeshay.
“Waxaan ka niyad jabsanaahy hoggaamiyaasha ka maqan shirka Dhuusamreeb3 ee ay ilaa iyo hadda aysan kasoo qaybgalin Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubland, ikastoo ay jiraan codsiyo loo diray si ay shirkaas uga soo qayb galaan, haddana waxaa rajeynayaa in hoggaamiyayaasha Soomaalidu ay is fahmi doonaan” ayuu yiri James Swan.