Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan iyo wafdi ballaaran oo uu hoggaminayo ayaa gaaray degmada feer-feer ee Gobolka Hiiraan, waxaana halkaasi kusoo dhaweeyay qaybaha kala duwan ee bulshada Gobolka.
Cali Jeyte ayaa bulshada ku nool halkaasi waxaa uu u jeediyay hadal dhinacyo badan taabanaya, waxana uu sheegay in dhawaan ay mashaariic ka hirgalin doonaan Feer-feer.
Waxaa uu dhagax dhigay inta uu halakaas joogay Saldhig cusub oo degmadu yeelanayso, isagoo sheegay in 42-sano kadib saldhig laga hirgalin doono degmadaas oo in muddo ah dhibato ballaarani ay ka haysatay dhanka adeegyada aas-aasiga ah ee bulsho degmo u baahan tahay.
Dadka u dhashay degaankaas ayuu sheegay in looga baahan yahay in la dhiso degmada oo aaan laahyn sida uu sheegay goobo waxbarasho Cusbitaallo iyo xaruumo kale kuwaas oo bulshadu ay baahi badan u qabaan.
Dhanka kale waxaa Jeyte uu baaq u diray beelaha degaankaas oo inta badan ku dagaallama Feer feer,iyadoo tiro dhowr jeer ah dagaallo khasaare baadn dhaliyay ay dhexmaren, waxaa Guddoomiye jeyte uu sheegay in gogol nabadeed la dhigi doono si loo xaliyo dhammaan waxyaabaha ay kala tabanayaan beelaah walaalaha ah ee degmadaas wada dega.