Wakiilka cusub ee Hay’adda QM ugu qaabilsan Horumarinta Barnaamijyadda ee UNDP ee Somalia, Jocelyn Masom ayaa soo gaaray Muqdisho, isagoo xilka kala wareegi doona Sii-hayha xilka UNDP ee Somalia, George Conway oo loo magacaabay Ku-simaha Ergayga Khaaska ee Xoghayaha Guud ee QM ee Arrimaha Somalia.
Wakiilka Cuusb ee UNDP Somalia waxa uu horey u ahaa Ku-simaha Ergayga UNDP u joogay dalka Afganistan., wuxuuna in ka badan 20-sanno ku soo guda jiray Hawlaha Hay’adda UNDP.
Hadal-qoraal oo ka soo baxay Xafiiska UNDP Somalia waxaa lagu sheegay inuu Wakiilka cusub hayinka u qaban doono xulashadda Barnaamijyadda muhiimka ee Horumarinta ee lagu taageerayo DFS iyo dadka Soomaaliyeed si muhiimad loo siiyo Horumarinta Qaranka iyo in la dhiso Awood looga soo kabanayo Xiisadaha Abaaraha iyo Isbedelka Cimiladda.
Dhinaca kale, Wakiilka cusub ee Hay’adda QM ugu qaabilsan Horumarinta Barnaamijyadda ee UNDP ee Somalia, Jocelyn Masom waxa uu sannadihii 2008-dii ilaa 2012-kii ahaa Madaxa Hay’adda UNDP u joogay dalka Mosombiik, waxa kale oo soo qabtay Xilka Madaxa Shaqaalaha UNDP ee Ka-hortagga Masiibooyinka iyo Soo-kabashadda sannadihii 2012-kii ilaa 2014-kii.
Waxa kale oo uu soo noqday Maareeyaha Agaasinka Xafiiska UNDP ee taageerida Siyaasadda iyo Barnaamijyadda muddadii u dhexeysay sanandihii 2014-kii ilaa 2015-kii.