10 qof oo lagu dhaawacay Mareykanka

Booliska Gobalka New Jersey ee dalkaasi ayaa sheegay inay is-rasaasayn ka dhacday bannanka Baar ku yaalla Degmadda Trenton oo ka tirsan Gobalkaasi.

Ugu yaraan 10 qof ayaa la sheegay inay dhawaacyo ka soo gaareen Israsaasayntaasi.

Afhayeenka Boliska magaalladda Trenton, Kabtan Istefin Frarn waxa uu sheegay in 5 nin iyo 5 haween ku dhaawacmeen toogashadaasi, kuwaasi oo loola cararay Ibsitaalladda ku yaalla magaalladdaasi.

Mid ka mid ah dadka dhawaacmay ayaa laga dayrinayaa xaalladiisa, iyadoo la sheegay inuu u baahnaan doono Qaliin Degdeg ah.

Boliska waxay kaloo sheegeen inay baarayaan waxa sababay is-rasaasayntaasi, wuxuuna shilkaasi yimid wax ku hdow hal sanno, kadib, markii Toogasho ka dhacday magaalladda Trenton lagu dilay hal qof, laguna dhaawacay 22-kale.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media