Muwaadin Soomaali-Maraykan oo lagu helay inuu feeray Siyaasi Kenyan ah

Maxkamadda Makadara ee magaalladda Nairobi waxaa la soo taagay Jamaal Maxamed oo ah Somali haysta Dhalashada Maraykanka, kaasi oo lagu soo oogay inuu feeray Siyaasi lagu magacaabo Xuseen Maxamed oo horey u ahaa Xildhibaan laga soo doortay Wajeer sannadkii 2017-kii.

Eedeysanaha waxaa lagu eedeeyey inuu Siyaasigaasi ka dhigay Naafo, kadib, markii uu ku feeray Xaafadda Islii ee magaalladda Nairobi bishii September 17-dii ee sannadkii 2017-kii.

Dhibanaha ayaa la sheegay inay dhaawacyo culus ka gaareen Lugta Bidix, taasi oo sababtay inay naafo noqoto.

Eedeysanaha waxaa kaloo lagu soo oogay inuu si sharci-darro ah ku joogay gudaha dalka Kenya.

Garsooraha Maxkamadda Makadara, Enice Kimaayo waxay sheegtay inuu Eedeysanaha dhibaato gaarsiiyey Dhibanaha oo ay waxyeello xooggan soo gaartay.

Garsooradda waxay tilmaamtay in la hayo caddaymo ku filan oo taageeri kara dacwadda loo haysto Eedeysanaha, waxayna hdanka kale dib u dhigtay Xukunkiisa ilaa bisha soo socota ee June.

 

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media