Wasiiru-dowlaha Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa ka qeyb galay shirka Sanadlaha ah ee Bangiga Horumarinta Islaamka oo lagu qabtay magaalada Sharma El-Sheikh ee dalka Masar.
Maxamuud Xayir Ibrahim, Wasiiru-dowlaha Maaliyadda oo hadal kooban ka jeediyay Shirka loo dhan yahay ee Wasiirada Maaliyadda dalalka xubnaha ka ah Bangiga ayaa diiradda saaray sidii wax looga qaban lahaa abaaraha Soomaaliya iyo taageerada maaliyadeed ee deeq bixiyeyaasha caalamka.
Dhinaca kale, wasiirka ayaa waxaa uu kulamo gaar ah la qaatay Madaxweynaha Bangiga Horumarinta iyo ku-xigeenkiisa, iyagoona ka wada hadlay hanaanka Maaliyadda dowladda Federaalka iyo geedi socodka Arrimaha deyn Cafinta.
Kulamada ayaa intii ay socdeen waxaa kaloo diirada lagu saaray sidii Bangiga Horumarinta uu usii wadi lahaa taageerada uu siiyo dowladda Federaalka Soomaaliya iyo mashaariicaha horumarineed ee dalka ka socda.