Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka ee xilgaarsiinta Cabdullaahi Sheekh Cali Qaloocow ayaa dalka Ghana uga qeyb galay shirka Horumarinta Ganacsiga, gaar, pravite Sector Sumit.
Shirka ayaa ku saabsanaa horumarinta Private Sector iyo sidii Afrika oo ah Qaaradda ugu hanti badan adduunka dadkeeda hurdada laga kiciyo lana tuso awoodooda homarka dhaqaalaha Africa gaar ahaan Private Sectorka, Maalgelinta Ganasatada yar-yar iyo kaalinta Rugaha Ganacsiga.
Cabdullaahi Sheekh Cali Qaloocow Wasiir ku-xigeenka Maaliyadda Xukuumadda xilgaarsiinta ayaa Shirka inta uu socday ka jeediyay khudbad uu uga hadlay Horumarka ka jira Ganacsiga Soomaaliya iyo kaalinta Rugaha Ganacsiga.
Shirkan oo ka qabsoomay dalka Ghana ayaa waxaa ka qeyb galay dowladaha Afrika, hay”adaha ka shaqeeyo Arrimaha pravite Sector, Baanka Adduunka, Baanka Horumarinta Afrika ( Africa development bank).