Wafdi ka socda dowladda Somalia oo shir uga qeyb galaya Suudaan

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya , Mudane Xildhibaan Sadik Warfa ayaa ku sugan magaalada Khartoum ee dalka Sudan, halkaa oo uu uga qeybgalay shir looga hadlayo isdhex-marka Dad-ka iyo Ganacsiga waddamada  ku bahoobay Urur gobolleedka IGAD.

Shirkan waxaa kalo ka qeybgalaya mas’uuliyiin kale oo ka tirsan wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada oo uu ka mid yahay agaasimaha guud ee wasaaradda , iyadoo sidoo kale ay ka qeybgalayaan wafuud ka socota wasaaradaha amniga, arrimaha dibadda iyo  Cadaaladda.

Shirkaan ayaa looga hadlayaa isdhex-marka Dad-ka iyo Ganacsiga wadamada ku bahoobay Urur goboleedka IGAD.

Xoghayaha guud ee Urur goboleedka IGAD Mudane Workneh Gebeyehu oo furay shirkaan ayaa sheegay in haddii wadamada ku Bahoobay IGAD ay meel mariyaan sharciyada lagu heshiiyo ay muhimad gaar ah u yeelan doonto shacabka wadamadaasi.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media