Puntland oo ka hadashay dagaalkii Khasaaraha geystay ee ka dhacay Sanaag

Dowlad Goboleedka Puntland ayaa faahfaahin ka bixisay dagaalkii saakay ka dhacay deegaanka Hadaaftimo ee Gobolka Sanaag, kaasi oo u dhexeeyay Ciidamo ka kala tirsan Puntland iyo Somaliland.

War qoraal ah oo kasoo baxay Taliska Taliska Ciidamada Daraawiishta Puntland ayaa waxaa lagu sheegay in Ciidamo ka tirsan Somaliland ay weerar kusoo qaadeen deegaanka kadhada, hayeeshee ay weerar iska difaaceen Ciidanka Puntland ee halkaas ku sugnaa.

Sidoo kale Puntland ayaa sheegtay in dagaalkii ka dhacay deegaanka Hadaaftimo ay Somaliland uga qabsadeen gaadiid dagaal, hub iyo 50 qof oo Maxaabiis ah.

Ugu dambeyntii Maamulka Puntland ayaa dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Beesha Caalamka u sheegtay in aysan Puntland Mas’uul ka noqon doonin wixii ka dhasha duulaan ay sheegeen in lagu soo qaaday dhulkooda.

Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo labada dhinac soo kala gaaray ayaa ka dhashay dagaalkii ka dhacay deegaanka Hadaaftimo ee Gobolka Sanaag, In kastoo aan si dhab ah loo ogeyn inta uu la egyahay.

Hoos ka Akhriso Qoraalka ka soo baxay Taliska Ciidanka Daraawiishta Puntland .

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media