Bangiga Horumarinta Afrika oo meel-mariyay habka deyn Cafinta Somalia

Bangiga Horumarinta Afrika ayaa ansixiyay hannaanka ay Soomaaliya uga cafinayaan $122.55 milyan oo doolar oo ah deyntii ay ku lahaayeen.

Kulan ay yeesheen guddiga sare ee maamulka Bangiga Horumarinta Afrika ayaa maanta lagu go’aamiyay habkii ay ku cafin lahaayeen deyntii ay ku lahaayeen Soomaaliya.

Go’aan kaan taariikhiga ah waxa uu Soomaaliya u furayaa albaab cusub oo horumar ah, oo ay ka midtahay Soomaaliya in loola macaamilo sida dalalka kale ee Qaaradda Afrika, isla markaana laga qaado cunuqabateyntii saarneyd.

“Hadaan nahay Soomaaliya Dadaalkeenii wuu muuqdaa, waana ku farxi karnaa”.ayuu yiri Wasiirka Maaliyadda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Ducaale Beyle.

“Bangiga Horumarinta Afrika wuxuu Soomaaliya ku raacay dib-u-habeyn adag, taas oo kaliya ka dhigi karta Soomaaliya inay noqoto meel ka wanaagsan dhammaan Soomaalida. Waxaa naga go’an inaan sii wadno dib-u-habaynteena maadaama aan aragnay faa’iidooyinkooda, nidaamyadeena maamul iyo awoodda aan u maareyno dhaqaalaheena iyo tan ugu muhiimsan, inaan sare u qaadno isla xisaabtanka dowladda ee dadka.” Ayuu yiri Wasiir Beyle.

Wasiirka Maaliyadda ayaa intaa ku daray “Dadaalkani waa taariikhi, laakin intaan ka badan oo horumar ah ayaa inoo haray, kamana caajisidoono inaan ka miro dhalino hadafkeena ah guusha Soomaaliya”.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media