Wafdi uu hoggaaminayo Wasiir ku-xigeenka wasaaradda Gargaarka Xukuumadda Soomaaliya Cabdirashiid Maxamuud Xasan iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray Magaalada Garoowe ee xarunta dowlad goboleedka Puntland, halkaasi oo ay ku soo dhaweeyeen mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Puntland.
Wasiir ku-xigeenka Gargaarka XFS oo la hadlay wakaaladda wararka (SONNA) ayaa sheegay in ujeedka safarkoodi Garowe uu yahay sidii halkaasi ay u gaarsiin lahaayeen qalab loogu talagalay xarunta ka digista halis wadareedka ee Puntland.
“Waxaan magaalada Garoowe geyneyna qalab xafiiseed loogu talagalay xarunta ka digista halis wadareedka ee Puntland, sidoo kale waxaan geeyneynaa dhamaan dowlad goboleedyada oo ay ugu talagashey dowladda Federaalka Soomaaliya”. ayuu wasiir Cabdirashiid.
Marka laga soo tago magaalada Garowe oo maanta la geeyay qalabkaasi, sdoo kale waxaa lafilayaa in wasaaradda gar gaarka iyo maareynta musiibooyinka dowladda Soomaaliya ay deegaanada kale ee dowlad goboleedyada ay gaarsiiso qalabka noocaan ah,si loogu isticmaalo adeegyada ka digista halis wadareedyada.