Faah faahino ayaa kasoo baxaya Shil gaari oo daqiiqado kahor ka dhacay Magaalada Muqdisho gaar ahaan Suuqa weyn ee Bakaaraha, kaasi oo geystay Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.
Shilka ayaa waxaa uu ka dambeeyay, kadib markii gaari nooca xamuulka qaado oo siday bagaash kala duwan uu mar qura ku fariis goostay goobo Ganacsi oo ku yaalla Isgoyska Suuqa Bakaaraha.
Dad goobjoogayaal ah oo la hadlay Idaacadda Dalsan ayaa waxaa ay u sheegeen in Darawalka waday gaariga xamuulka ahaa uu gaariga xakameyn waayay, uuna lugta la waayay bareega, sidaasina uu ku galay goobo Ganacsi.
Inta la xaqiijiyay Saddex ruux ayaa ku geeriyooday Shilka, halka 8 qof kalena ay ku dhaawacmeen, kuwaasi oo si Deg deg ah loogula cararay Xarumo Caafimaad oo ku yaalla Magaalada.
Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska dowladda iyo Maamulka Degmada Howlwadaag ee Gobolka Banaadir ayaa gaaray goobta, iyagoo wada dadaalo lagu bixinayo gaarigii galay goobaha Ganacsi, waxaana sidoo kalena halkaas buux-dhaafiyay boqolaal qof.
Magaalada Muqdisho ayaa waxaa xiliyada qaar ka dhaca shilal geysta Khasaarooyin kala duwan, waxaan shil noocaan oo kale ah oo ka dhacay Suuqa Bakaaraha ku geeriyooday dad badan, halka kuwo kalena xiligaas ay ku dhaawacmeen.