Howlgal qaatey muddo 24 saacadood oo ay sameeyeen Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed gaar ahaan Ciidanka Saldhigga Dharkenlay ayaa waxaa gacanta lagu soo dhigey Nin ku eedeysan inuu dil u geystay qof shacab ah.
Falkaan ayaa maalintii shalay aheyd ka dhacay degmada Dharkeenley ee Gobolka Banaadir, waxaana Ninka lasoo qabtay uu tooreey ku dhaawacay Ismaaciil Yuusuf Axmad, kaasi oo markii dambe u geeriyooday dhaawacii halista ahaa ee soo gaaray.
Ciidanka ammaanka gaar ahaan kuwa Booliska Gobolka Banadir ayaa howlgal ay sameeyeen kadib ku guuleystay inay soo qabtaan Cali Maxamed Xasan oo ah shaqsiga falkaan dhaliyay dhimashada u geystay Ismaaciil Yuusuf Axmad.
“Waxaa Howlgalkaas gacan Ka geystey Bulshada soomaaliyeed ee Degan Degmada Dhrkeenlay oo Gacan Siiyey Ciidanka Boliiska Soomaliyeed” ayaa lagu yiri Qoraal kasoo baxay Taliska Qeybta Guud Boliiska Gobolka Banaadir.