Maamulka gobolka banaadir ayaa shalay sheegay inay xirnaan donaan Talaado iyo Arboco wadooyinka qaar ee muqdisho inkastoo maanta magaaladu uusan ka dhaqangalin go’aankaasi iyadoo la’isticmaalayey wadooyinka gadiidkuna ay shaqeynayeen balse galabta ayaa ciiddamada dowladda si rasmi waxaa ay uxireen wadooyinka qaar ee Muqdisho.
Ciiddamo katirsan dowlada ayaa lasoo dhoobay wadooyinka magaalada si ay u hakiyaan dhaqdhaqaaqa gadiidka waxaana la arkayey ciiddamada oo dib ucelinaya gawaarida inkastoo gaadiidka qaar ay sii daynayeen markii ay hubiyaan ciiddamadu kuwaasi oo ku gudbayey kaararka aqoonsiga.
Inakstoo ay xiranyihiin wadooyinka hadana ma ahan sidii loo xiray xiligii doorashada oo gadiidika qaar ayaa isticmaalaya wadooyinka jidcadayaasha ee muqdisho.
Maamulka gobolka banaadir ayaa shalay soo saaray aawaamiir la xariirta xirnaashaha wadooyinka walow maanta uusan dhaqangalin waxaana kusimaha gudoomiyaha gobolka Ismaaciil Macalin Cabdi guuri uu usheegay warbaahinta in laxirayo wadooyinka Talaado iyo Arboco si loo xaqiijiyo amaanka inta ay socoto xaflada caleema saarka madaxweynaha oo ay kasoo qeybgalayaan madaxwynayaal tiradoooda aan lashaacin iyo wufuud kale taasi oo berri ka dhici doonta magaalada muqdisho.