Dowlada hoose ee xamar ayaa dib u habeyn xoogan ku sameysay bulaacada ama Biya-mareenka mara wadada Dekada qalalan ee degmada Waaberi oo isku xirta Airport Aadan Cade iyo xerada Afasiyooni wadadaasi oo horey isticmaal keeda ay dhibaatooyin kala duwan ugu qabeen kaadiibka iyo bulshada.
Ddib-u-habeynta bulaacadaas ayaa waxaa xariga kajaray Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaala Muqdisho mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish).
Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaala Muqdisho mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) waxa uu sheegay in wadadan in la isticmaalo ay aad u adkeyd sababa la xariira qurun iyo bur bur ka jiray.
“Runtii bulaacadan waxey wadna qabad ku aheyd bulshada waxeyna aheyd qurun iyo biya fadhiisid wasaq ah oo aysan dadka u dulqaadan karin taas oo caqabad ku aheyd bilicda iyo nadaafada waana sababta aan u dadajinay dib-u habeynta bulaacadaan si wadadan ay u yeelato waji ka qurux badan kii hore islamarkaana dib loo soo celiyo isticmaalkeeda maadaama ay kamid tahay wadooyinka muhiimka u ah isticmaalka Caasimadda”.