Sawirro: Madaxweyne Xasan Sheekh oo lagu soo dhaweeyay Magaalada Asmara

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa booqasho rasmi ah ah gelinkii dambe ee galabta ku tagay Magaalada Asmara ee Caasimadda dalka dalka Ereteriya, halkaas oo soo dhaweyn loogu sameeyay.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa waxaa Garoonka diyaaradaha dalka Ereteriya kusoo dhaweeyay dhiggiisa Isaias Afwerki oo uu Madaxweynaha Jamhuuriyadda ka helay martiqaad. Safarka Madaxweynaha ayaa qaadan doona mudd afar maalmood ah.

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Madaxweyne Isaias Afwerki ayaa yeellan doona wada-hadallo dhinacyo badan taabanaya, iyaga oo si gaar ah u lafo-guri doona xiriirka iyo iskaashiga labada dal.

Xasan Sheekh ayaa intii uu ka mid ahaa Musharaxiinta Mucaaradka uu su’aalo badan ka keenay halka Ciidankaas ku dambeeyeen iyo sidii dowladdii hore aysan Shacabka iyo waalidiinta dhalinyaradaas ula wadaagin xogta ciidamadaas oo xaaladooda oo warar kala duwan ka soo baxayeen.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa intii uu xafiiska yimid bilaabay safarro dalka dibaddiisa ah kuwaasi oo looga dan leeyahay xoojinta iskaashiga ay Soomaaliya la leedahay caalamka.

About Webmaster

View all posts by Webmaster