Ururka Suxufiyiinta Qaranka ee NUSOJ ayaa si farxad leh u soo dhaweeyey go’aanka lagu sii daayey Tifaftiraha Wargeyska Xog-ogaal, Cabdi Aadan Guuleed, kaasi oo muddo 3 maalmood u xirnaa Hay’adda NISA.
Xoghayaha Guud ee NUSOJ, Maxamed Ibrahim Macallimu ayaa u mahad celiyey dhamaan dadkii iyo Hay’adihii ka qeyb galay in la sii daayo Tifaftiraha Wargeyska Xogogaal.
Waxa uu intaasi ku daray inay galangal u galeen sidii uu u heli lahaa Xorriyadiisa Shaqsiyadeed, wuxuuna hoosta ka xariiqay inuu Taliyaha NISA, Jeneral Gaafow u ballan-qaaday in Tifaftiraha Xog-ogaal lagu wareejin doono Qalabkii ay Saraakiisha ka soo qaadeen Xafiiska Wargeyskaasi.
Xoghayaha Guud ee NUSOJ waxa kale oo uu tilmaamay inay haatan ku hawlan yihiin sidii loo sii dayn lahaa Weriyayaal kale oo u shaqeeya Telefishinka Aljazeera, kuwaasi oo ay Ciiddanka NISA ku qabteen duleedka magaalladda Muqdisho.
Weriyaha Kanaalka Afka Englishka ee Aljazeera TV u jooga Somalia, Xamsa Maxamed, Labo Filim-qaade iyo Dareewalkooda ayaa la xiray, xilli ay ka soo laabteen Afgooye.
Dhinaca kale, Ururka NUSOJ waxauu waxlaac xooggan ka muujiyey sida loo xakamaeynayo Xorriyadda Hadalka iyo sida ay Weriyayaasha si xor ah uga soo warami karaan Doorashadda lagu wado inay dhawaan ka dhacaan Somalia.
Hoggaanka Sare ee Ururka NUSOJ waxa uu ugu baaqay Madaxda Dowladda Federalka, Madaxda Maamul-gobaleedyadda, Hay’addaha Ammaanka Qaranka iyo Musharixiinta u taagan Doorashadda Madaxtinimadda inay xushmeeyaan, isla markaana ballan qaadaan Xorriyadda Hadalka iyo Xorriyadda Warbaahinta.
©Radio Dalsan