Wareegto ka soo baxday Boqorka dalka Sacuudiga, Salmaan Bin C/casiis Al-sacuud ayaa lagu sheegay in xilka laga xayuubiyey Wasiirkii Maaliyadda ee dalkaasi, Ibrahim C/casiis Al-asaf, kaasi oo xilkaasi hayey muddo 20-sanno ah.
Wakaalladda Wararka Sacuudiga ee SPA ayaa sheegtay in Wasiirka cusub ee Maaliyadda loo magacaabay Maxamed Al-jadaan, oo ahaa Madaxa Maamulka Suuqa Saamiyadda Lacagaha ee Sacuudiga.
Isbedelkaasi ayaa yimid xilli ay Dowladda Sacuudiga haysato dhibaato dhaqaale oo ka timid hoos u dhaca ku yimid Sicirka Shidaalka Caalamiga.
©Radio Dalsan