Ururka Suxufiyiinta Qaranka Soomaaliyeed (NUSOJ) ayaa si kulul u cambaareeyey kooxihii maleegay falkii qaraxa ee ay u geeriyootay Weriye Hindiya Haji Mohamed oo ka mid ahayd Shaqaalaha Warbaahinta Qaranka.
NUSOJ waxay ugu baaqeen Dowladda Federalka in Baaritaan degdeg ah lagu sameeyo dadkii ka dambeyey Falkaasi, isla markaana si degdeg ah loo hor keeno Sharciga.
Dhinaca kale, Hindiya Hagi Mohamed dilkeeda waa Weriyihii 6-aad ee sannadkan lagu dilo Somalia, waana gabadhii 4-aad ee Weriye ah ee lagu dilo Somalia 10-sanno ee la soo dhaafay.
Bishii June 5-dii ee Sannadkii 2005-tii, kooxo hubeysan ayaa waxay dileen Allaha U Naxariiste Weriye Duniya Nuur Muxiyaddiin oo ka tirsanayd Idaacadda Horn Afrik, iyadoo la socotay gaari marayey inta u dhexeysa Muqdisho iyo Afgooye.
Bishii Feberaayo 9-dii ee isla sannadkii 2005-tii, Saxafiyad la oran jirey Kate Peyton oo Barnaamij Soo-saare ka ahayd BBC-da ayaa lagu dilay agagaarka Hotelka Saxafi ee magaalladda Muqdisho.
© Radio Dalsan